HomeSOMALILAND WAXAY MURKACATAY MARKII XUKUUMADDA KULMIYE IYO GANACSATADU HESHIIS WADA GALEEN

SOMALILAND WAXAY MURKACATAY MARKII XUKUUMADDA KULMIYE IYO GANACSATADU HESHIIS WADA GALEEN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waddamada badhtamaha koonfurta Ameerika ee loo yaqaano Jamhuuriyadaha Muuska (Banana Republic’s) madaxdooda dalka waxa la maamula ama tallada la wadaaga shirkadaha waaweyn gaar ahaan shirkada lagu magacaabo ‘the United Fruits’ oo ka ganacsatada dhamaan dalalka kor ku xusan.

Marka kasta oo dawlad la dhisayo waxa loo qoondeeya tiro wasiiro ah oo u gaar ah, madaxweynaha qudhiisu doorashada kuma soo bixi karo haddii aanu haysan taageerada shirkadahaa awooda badan, sidaas oo kale waxaa la mid ah golayaasha xeer dajinta sidaa awgeed dawladu sida ay u dhan tahay waxay wakiil ka tahay dabaqada sare ee maal qabeenka ah bulshadada inta kale ma laha cod. Tusaale kale aqoonyahan Maraykan ah oo khabiir ku ah arrimaha waddanka Nigeria oo la yidhaahdo Larry Diamond isaga oo tilmaamaya xukuumaddii madaxweynihii hore ee Nigeria Shehu Shagari wuxuu yidhi “Shehu Shagari’s administration was termed as a government of contractors for the contractors and by the contractors” macnuhuna wuxuu yahay “xukuumadda madaxweyne Shagari waxaa iska leh shirkadaha waaweyn, waxay u dhisan tahay qandaraas-layaasha wax soo doorta ganacsatada.

Haddaba akhriste xukuumadda madaxweyen siilaanyo maxay kaga duwan tahay xukumadiihii Shehu Shagari iyo Jamhuuriyadaha Muuska, sidooda oo kale dan lagama galo dhibaatada iyo nolosha dadweynaha ee ka sii daraysa, lagama naxo, loomana naxariisto dan yarta ku gaajanaysa gudaha magaalooyinka ee waxba ku iibsan kari waayey shillinka Somaliland ee sarif bararku aafeeyey.

Xukuumadda kulmiye kaliya waxay u jajaban tahay ama ay u ilaalisaa danaha hantiilayaasha oo qayb aad u yar ka ah bulshada. Dal kastaaba dunida wuxuu leeyahay ganacsato awood badan, hunguri weyn oo jecel inay sameeyaan macaashka ugu badan laakiin si aanay u xad gudbin oo loo ilaaliyo maslaxada ummadda waxaa loo sameeyaa sharci lagu xakameeyo damacooda iyo xuduud aanay dhaafin karin waxayse ummaddi jabtaa ama qaran dumaa marka ganacsatada iyo dawladu u heeshiiyaan shicibka oo midba ka kale ku taageero boobka ama ay u shuraakoobaan hantida ummadda.

madaxweynihii hore ee Kenya Jomo Kenyatta isaga oo ka digaya faraqa sii kala fogaanayaa ee u dhaxeeya bulshada iyo dhibaatada ka iman karta wuxuu yidhi “we don’t want Kenya of 10 millionaires and 10 million beggars”. Haddaba Somaliland maanta miyaanay ahayn ama ku sii socon inay bulshadu u kala baxdo malaayiin sabool ah oo bakhtigu xalaal u yahay iyo tiro yar oo ku kaliyeysatay khayraadkii dalka.

Si kastaba ha ahaate maxaa ka dhalan kara marka ay xukuumaddu ka baaqato waajibaadkii iyo masuuliyadii ka saarnayd daryeelka nolosha dadweynaha amaba ay difaaci kari waydo xuquuqdii muwaadinka?

Waxa bata dambiyada sida dhaca iyo tuugada

 Waxa dhaqan noqda musuq maasuqa

Waxa joogta noqda bannaan baxyo lagaga cabanayo maceeshada qaaliga ah ee kor u sii kacaysa

Waxa yaraada waddaniyada iyo jacaylka dalka

Waxa soo ifbaxa ururo xag jir ah oo ka faa’iidaysanaya saboolnimada, shaqo la’aanta, isku dul noolaanshaha iyo caddaalad darada.

Sidaas oo ay tahay haddana madaxweyne Siilaanyo wuxuu rabaa in xukuumadiisa loo aqoonsado in ay tahay ta ugu tayada wanaagsan xukuumadihii soo maray Somaliland isagana lagu sunto in uu yahay madaxweynihii ugu hogaaminta iyo maamulka wanaagsana oo uu istaahilo amaan iyo in lagu bogaadiyo. Laakiin madaxweyne magac iyo manfac lays kuma helo. Hogaamiyayaashii taariikhda galay dhaqaale may uruursan jirin balse waxay ku dadaali jireen inay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda iyo danta guud ee ummadda (the great leaders of history NEVER wanted personal gains for them selves)

Cabdiraxmaan Cadami

Hargeysa-Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories