Home"Somaliland waxay amaan badan ku kasbatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada" -...

“Somaliland waxay amaan badan ku kasbatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada” – Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada kulamo ay xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland magaalada Nairobi kula yeesheen wakiillo ka tirsan waddamada beesha caalamka ee taageera nidaamka doorashooyinka ee dalka.

Wefti ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaasha labada Xisbi mucaaradka ee UCID iyo Waddani, ayaa dorraad ka soo laabtay socdaal ay toddobaadkii hore ugu kicitimeen dalka Kenya, halkaas ay kulamo kula soo qaateen waddamada Beesha caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo maanta saxaafadda uga waramay natiijada kulamada dhexmaray madaxda xisbiyada mucaaradka iyo beesha caalamka, ayaa sheegay inay Somaliland magac iyo qaddarin dheeraad ah ka heshay qabsoomidda doorashooyinkii isku-sidkanaa ee goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo dalka ka qabsoomay bishii May sannadkan 2021-ka.

Xoghaye Khadar waxa uu sheegay in beesha Caalamku xisbiyada mucaaradka u caddeeyeen inay diyaar u yihiin sidii ay Somaliland u kala shaqayn lahaayeen qabsoomidda doorashada madaxtooyada.

“Kulamadii dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinka aanu kula yeelanay Nairobi waxa aanu kala kulanay qaabilaad wanaagsan. Waddamada Beesha Caalamka ee Maraykanku ugu horeeyo waxay muujiyeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Somaliland oo dhanka doorashooyinka iyo maalgalintaba kala shaqeeyaan, waxaanay Somaliland amaan badan ku kasbatay doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada,” sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Xoghayaha Waddani

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories