Home“Somaliland waxa ay adduunyada inteeda kale dheertahay waxa loo yaqaano isu-tanaasulka”- Guddoomiyaha...

“Somaliland waxa ay adduunyada inteeda kale dheertahay waxa loo yaqaano isu-tanaasulka”- Guddoomiyaha SONSAF

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Daladda SONSAF oo Guul Taariikhi ah ku tilmaamay Hannaanka ay ku soo gebo-gaboobeen Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Bulshada rayidka ah ee Somaliland (SONSAF) oo maalintii shalay Magaalada Hargeysa ku yeeshay, ayaa hambalyeeyey Doorashadii shir-guddoonka golaha Wakiillada cusub oo Salaasadii shalay dhacday iyo guud ahaan hanaankii ay ku soo dhamaadeen howlaha Doorashooyinkii Isku sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada.

blankDallada SONSAF, waxa ay sheegeen inay Somaliland ka qabsoomeen Doorashooyin taariikhi ah oo turjumaad mugle ka bixiyey nidaamka Dawlad-wanaagga iyo dimuquraadiyada ee ka hana qaaday Dalka.

Guddoomiyaha Dallada SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey mowqifka ururrada aan dawliga ahayn ee ku wajahan sooyaalkii howlaha Doorashada ee soo gabagaboobay iyo casharada laga baran karo.

“Doorashadii isku sidkanayd ee Qaranka Somaliland ka dhacday 31 May ee soo gabagabowday 3-dii August 2021, waxa ay runtii ahayd mid doorasho u dhacday si dimuquraadi ah oo la waafajiyey nidaamkii dimuquraadiyaddeed ee ay Jamhuuriyadda Somaliland qaadatay.

Taasoo ay ka turjumayso in ilaa maalintii codbixinta loo dareeray, ilaa maalintii Maxkamadda sare ku dhawaaqday ilaa maalintii shir-guddoonka la doortay shalay (Doraad) inay dhamaanteed u dhacaysay hab dimuquraadi ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Anwar.

Guddoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray Shirguddoonka cusub ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, xildhibaanadii lagaga guulaystay doorashada Shirguddoonka iyo guud ahaan qaranka, waxaanu sidoo kale bogaadiyey nidaamkii isu-tanaasulka iyo suluxa ahaa ee lagaga soo gudbay caqabadaha sharci iyo muranadii siyaasaddeed ee Doorashada ku lug lahaa.

“Waxaan hambalyeynaynaa nidaamkaa wanaagsan ee Doorashadu u dhacday, mar labaadka waxa aan hambalyeynaynaa shir-guddoonka cusub ee loo doortay golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Siciid Mire Faarax iyo Cali Xaamud Jibriil.

Waxa kale oo aan hambalyeynaynaa saddexdii murrashax ee lagaga guulaystay doorashada Shirguddoonka ee aqbalay natiijadii codaynta Doorashada shirguddoonka Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax iyo Cabdinaasir Yuusuf Cismaan.

Waxa kale oo aan hambalyeynaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse biixi Cabdi oo aqbalay natiijadii Doorashada Shirguddoonka, waxa kale guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay arrintani tahay guul u soo hooyatay Qaranka Somaliland, maadaama ay tahay guul ay gaadheen qaranka Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha SONSAF.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu sharaxaad ka bixiyey habka isu-tanaasulka ee Somaliland ku caano maashay, “Somaliland waxa ay adduunyada inteeda kale dheertahay waxa loo yaqaano isu tanaasulka, taasoo runtii marar badan marka ay dhacdo in marka muran siyaasaddeed yimaado amma sharciga laysku qabto in mar walba xalka lagu dayo in laysu tanaasulo, isla mar ahaantaana laysu jiidjiido dhinacyada is haya, shalayna (Doraad) arrintii ka dhacday Golaha Wakiilladu waxay ahayd bisayl siyaasaddeed”

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Dallada SONSAF, waxa uu Mudaneyaasha golaha Wakiillada ee cusub farta ugu fiiqay baaxada howsha sugaysa iyo xeerarka muhiimka ah ee qaranku u dabran yahay. “xeerrar badan oo la taaban karo oo bulshada Somaliland u baahan tahay ayaa halkoodii aan laga dhaqaajin, waxa kamida xeerkii Baananka, Xeerkii Saxaafadda iyo xeerkii Kufsiga,sidaas awgeed xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada waxa horyaalla howl aad iyo aad u balaadhan,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha dalladda SONSAF.

Dallada SONSAF, ayaa ka mid ah wadaageyaasha nidaamka dimuquraadiyada iyo dawlad-wanaaga ee Somaliland, waxaanay doorkan si weyn uga qayb-qaadatay Doorashooyinkii Isku sidkanaa ee Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoomay 31-kii May ee sannadkan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories