HomeSomaliland: Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Somaliland: Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Ethiopia oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxa maanta soo gaadhay Wefti ka socda Dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayo Wasiirul-dowlaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarajiga Dowladda Federaalka Ethiopia Ridwaan Xuseen.

Weftiga oo subaxnimadii hore ee Khamiista maanta ka soo degay Gegida diyaaradaha ee Egal International Airport, waxa madaarka ku qaabilay Wasiir ku-xigeenka ahna ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

blankWasiirul-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo uu weheliyo ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, waxa ay isla markiiba u gudbeen dhinaca magaalada Berbera, waxaanay isla caawaba booqasho indho-indhayn ku tageen Dekedda Berbera, Sida uu bartiisa Twitter ku baahiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan.

“Sharaf-bay ii ahayd inaan maanta  Somaliland si diirran ugu soo dhaweeye Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda ee DFI Redwan Hussien. Wasiirku wuxuu booqday Berbera si uu u indho-indheeyo casriyeynta heerka caalami ah ee lagu sameeyey dekedda Berbera si ay u noqoto marin-ganacsiyeedka ugu istaraajiyeysan mandaqadda Geeska Afrika”, sidaas ayuu yidhi Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan.

blankSidoo kale, Wasiirul-dowlaha Dowladda Ethiopia Rewan Hussien ayaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland uga mahad-celiyey soo-dhaweynta uu ku qaabilsay, sida aanu ka soo xigannay qoraal uu wasiirku ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

“Waxaan saaka subaxii soo gaadhay gegida diyaaradaha ee Egal International Aiport ee Hargeysa.  Waxaan uga mahad-celinayaa soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta uu ii fidiyey walaalkey Liibaan,” sidaas waxa bartiisa twitter ku qoray Wasiirul-dowlaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Khaarajiga Dowladda Federaalka Ethiopia, Redwan Hussein.

Dekedda Berbera, waxa xilligan ku xidhan markab laga leeyahay dalka Ethiopia, kaas oo labadii maalmood ee u dambeeyey laga dejinayey Raashin isugu jira Bariis iyo Sonkor laga keenay Waddanka Brazil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories