HomeSomaliland: Wasiirro iyo Masuuliyiin Saddex Bilood Shaqaynayey Oo Maanta Xilalka Loo Dhaariyey

Somaliland: Wasiirro iyo Masuuliyiin Saddex Bilood Shaqaynayey Oo Maanta Xilalka Loo Dhaariyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey xubno isugu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeeno, gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye ku xigeenada hay’adaha madax-bannaan ah oo dhawaan ay ansixiyeen mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

Masuuliyiintan oo intooda badani Xilalka Hayeen muddo ku dhow Afar Bilood, waxa maanta dhariyey guddoomiyaha maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa kelmedo dardaaran ah u jeediyey masuuliyiinta maanta la dhaariyey, waxana uu ku dhiirriyey inay dhawraan ammaanada dummaddooda la saaray.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si wada jira u dhaariyey masuuliyiintan, kuwaas oo gacmaha saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, islamarkaana ballan qaaday inay daacad u noqon doonaan dadka, dalka iyo Diinta Islaamkaba.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib kelmedo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey xubnaha dhaarta gutay, isaga oo ku adkeeyey inay waajibaadka la saaray u gutaan si hufan, bulshadana ugu adeegaan si daacadnimo ku dheehan tahay.

Masuuliyiinta maanta la dhaariyey, ayaa isagu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeenno, guddoomiyeyaal hay’ado madax-bannaan iyo kuxigeenno, waxana ay kala yihiin;
Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha, Mudane, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, wasiir-ku-xigeenka shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, Mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Siciid Xasan Habbane, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa.

Wax kale oo masuuliyiinta la ansixiyey ka mid ah wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayada, Mudane Mukhtaar Maxamed Cali iyo ku-xigeenkiisa, Mudane, Xamse Cabdi Ibraahim, guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka, Mudane Guuleed Muuse Galaal iyo guddoomiye-ku-xigeenkiisa, Mudane Maxamed Xuseen Axmed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories