HomeSomaliland: Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo Shaqsi Musuq badan ku tilmaamay...

Somaliland: Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo Shaqsi Musuq badan ku tilmaamay Raysalwasaaraha Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Wasiirada warfaafinta iyo arrimaha gudaha ee Somaliland, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya Maxammed Xuseen Rooble, ku tilmaamay shakhsi musuq-maasuq badan, waxayna sheegeen in musuqiisa dartii hay’adda ILO ee Qaramada Midoobay Somaliland looga saaray.

Wasiirka warfaafinta Saleeban Yuusuf Cali Koore, ayaa Rooble ku eedeeyay in markii loo adkaysan kari waayay musuq-maasuqiisa ay xukuumadda Somaliland go’aansatay in la erido hay’adda ILO oo uu madax ka ahaa.

blankWasiir Koore oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Ninkaa raysal wasaaraha ahi wuxuu ka shaqaysan jiray Hargeysa, wuxuu u shaqayn jiray hay’ad la yidhaa ILO, wuxuu ahaa qofka ugu musuq-maasuqa badan oo bini-aadan soo mara, Maxammed Kaahin oo wasiirka arrimaha gudaha ah ayaa Hargeysa ka caydhiyay, markii loo adkaysan waayay musuqmaasuqiisii iyo wuxuu hay’adda ku hayay, maantana dad ayuu soo hor-fadhiisanaya oo uu wax u sheegayaa”

Koore ayaa dadka Soomaalida ku tilmaamay qaar habaar qaba haddiiba shakhsi Rooble oo kale ah ay madax ka dhigteen, wuxuuna tilmaamay in Rooble uu jeebka ku shubtay gar gaarkii Qaramada Midoobay ugu talo gashay shacbiga taagta daran ee Somaliland.

“Waa qofka sababay in hay’adda ILO dalka laga saaro, sidii uu u samaynayay shilimadii dadka tabaalaysan ee reer Somaliland loogu soo talo galay, maantana wuxu ka hadlayaa amni, dadka Soomaalidu waa dad habaar ku dhacay, waayo kaas oo kale, ayaa masuuliyad u qabanaya oo usoo fadhiisanaya,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxammed Kaahin Axmed oo madasha Koore ka hadlayay joogay, ayaa sheegay in uu isagu Rooble iyo hay’adda uu madaxda u ahaaba Somaliland ka eryay.

Wasiir Kaahin isaga oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Wasiir Koore waa runtii raysal wasaaraha Soomaaliya hay’ada ILO ee shaqaalaha adduunyada ka shaqaysa ayuu madax ka ahaa oo uu joogay, saddex wasaaradood ayaa la shaqaynayay, saddexdayadii wasiirba waxaanu is ku raacnay in nin kaasi aanu ahayn masuul, Qaran iyo umad u joogi kara, warqadiisiina aniga ayaa qoray”

Xukuumada Somaliland ayaa hay’adDa ILO oo hoostagta QM Somaliland ka saartay 10 bishii May ee sannadkii 2019, waxayna xukuumaddu ku eedaysay in hay’addu ay ku guuldaraysatay in ay la shaqayso wasaaraddaha ay howl wadaagta leeyihiin, howl gudasho la’aan iyo in ay soo jawaabi wayday markii loo sheegay cabashada laga qabo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories