HomeSomaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Culimada Faray inay Khudbadaha Jimcaha Koobaan,...

Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Culimada Faray inay Khudbadaha Jimcaha Koobaan, Digniinna U Diray Shacabka iyo Ganacsatada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Culimada Masaajiddada u faray inay soo koobaan waqtiga Khudbadaha Jimcaha, isla markaana Salaadaha Faralka ah raaciyaan Ducada Qunuudda oo ay Allaah ka baryaan inuu innaga nabadgeliyo Duriga Dunida ku faafay ee Corona-virus Covid-19.

blank
Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wasiir Khaliil oo xubin ka ah Guddiga heer Qaran ee ka Hor-tagga Cudurka Corona-virus ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, waxa uu sidoo kale digniin u diray Ganacsatada Reer Somaliland oo uu u soo jeediyey inay Illaahay ka baqaan, Dadkoodana u naxariistaan.

Wasiirku waxa uu shacabka ugu baaqay in Cidda ay wax ka iibsadaan Ka Qaataan Xaashida Caddaynta Qiimaha Raashinka lagaga iibiyo.

“Waxaynu is-faraynaa inaan laga tegin Ducada Salaad kasta oo Faral ah ee Culimadu Qunuudda akhriyaan, waayo? Xanuunku isma wado ee Illaahay baa wada, innaguna Illaahay baynu ka hoos-galaynaa oo baryeynaa inuu innaga duwo. Waxaynu koobaynaa Salaadaha Jimcaha intii lagu akhriyi jiray Khudbadaha in kala badhkeed lagu koobo, waayo? Muddada kooban ee aynu joogno Masaajiddada waxaynu doonaynaa inaynu Illaahay ku barino, Masaajiddaduna aanay xidhmin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu Culimada iyo Bulshadaba u soo jeediyey in lagu Tukado Salaadda Jimcaha Masaajiddada yaryar iyo kuwa Xaafadaha qaar ee aan lagu tukan jirin Jimcaha, waxaanu yidhi; “Masaajiddadii aad loogu soo buuqi jiray in laga kala nafiso oo Masaajiddada yaryar ee aan Jimcaha lagu tukan jiray in lagu tukado si loogu kala nafiso, ayaan soo jeedinaynaa.”

Mar uu Wasiir Khaliil la hadlayey Ganacsatada iyo Shacabka Somaliland, wawxa uu yidhi; “Ganacsatada waxaannu leenahay Dadku waa dadkiinnii iyo walaalihiin, weli Badeecadaha daruuriga ahi way buuxaan oo waatii ganacsatada waawayni caddeeyeen, laakiin waxaannu maqlaynaa oo naloo soo sheegayaa Dadka qaarkood inay laban laabeen qiimaha badeecadaha, qaarkoodna qarinayaan. Nebigu C.S.W wuxu yidhi; ‘Qofka qariya xoolaha, si uu qiimo qaali ah ugu iibiyo, waa dembiile’.”

“Dadweynaha waxaannu ka codsanaynaa in cidda ay wax ka iibsanayaan ka qaataan Xaashida caddaynta qiimaha iyo shayga (Rasiidh), ka idin yidhaahda ma hayo, iskaga taga oo mid haya wax ka iibsada. Warqaddaas caddaynta qiimuhu waxay kuu noqonaysaa markhaati, waayo ma rabno waxaasaa la sheegay. Laakiin, wax cad baa loo baahan yahay, Warqaddaasina waata lagu Maxkamadayn doono ee caddaynta u noqonaya cidda qiimaha kordhisa marka Maxkamadaha la geeyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Gebogabadii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu Culimada Masaajiddada iyo Shacabkaba ku adkeeyey fulinta Amarrada Dowladdu soo saartay ee la xidhiidha ka hortagga Caabuqa Dunida ku faafay ee Corona-virus iyo ilaalinta Nadaafadda iyo wakhtiga goobaha Cibaadada, bixinta Sadaqada, Alla-bariga iyo Cibaadadana la xoojiyo.

 

Somalilandpost.net
Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories