HomeSOMALILAND: Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo Dafiray Xuquuqo-Sharci oo Dastuurku u Jideeyey...

SOMALILAND: Wasiir Xukuumadda ka tirsan oo Dafiray Xuquuqo-Sharci oo Dastuurku u Jideeyey Goleyaasha Xeer-dejinta Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi  Ducaale. ayaa ku dooday inaanay Xaq u lahayn Goleyaasha Sharci-dejjinta ee Dalku Ansixinta iyo Naaqishaadda Heshiishyada ay Xukuumaddu la gasho Shirkadaha Ajaanibka ah.

Wasiirka Macdanta  iyo Tamartu waxa uu ku dooday in  aanay shuruucda shiidaalka ee dalka u yaallaa  dhigayn in  Golaha Baarlamaanka  la horgeeyo  heshiiyada shiidaal-sahaminta ee wasaaradiisu xukuumadda uga masuulka tahay.

Eng Xuseen Cali Ducaale oo shalay si gaar ah ugu warramay Telefishanka Gaarka loo leeyahay ee HCTV, waxa uu daboolka ka qaaday in xukuumadu diyaarinayso ciidamo si gaar ah  uga hawl-geli doona ammaanka shaqaalaha iyo goobaha laga wado sahaminta shidaalka ee Shirkadda Genel  Energy ka fulinayso gobolada Bari ee dalka.

wasiirka-macdanta-iyo-biyahaWasiirka oo ugu horreyn ka hadlayey sababihii kallifay inay Shirkadda Genel Energy joojiso hawlihii Sahaminta Shidaalka ee ay dalka ka wadday, ayaa yidhi, “Shirkadda Genel Energy marnaba qaraar kumay gaadhin inay dalka ka baxdo ee hakad ayay gelisay hawlaheedii. Markii ay hakadka gelisayna waxay hawlaheedii u joojisay sababo la xidhiidha caqabado ka hor yimid shaqadeeda. Xukuumad ahaan waanu ka hawl-galnay waanigii dhawrka jeer la kulanay masuuliuyiintooda. Shirkadu wixii cabasho ah ee ay sheegatay waanu ka xalinay.”

Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumadda oo ka jawaabaysa cabashadii ka soo yeedhay Genel Energy ay go’aansatay inay samayso ciidan gaar u ah xarumaha shiidaalka laga baadhayo oo la yidhaahdo Xoogaga ilaalinta shiidaalka (Oil Protection Force) , isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxa  xukuumaddu go’aansatay inay samayso ciidan cusub oo la yidhaahdo xoogaga ilaalinta goobaha shiidaalka (Oil Protection Force), ciidan oo noqon doona ciidan cusub oo qalabkiisa iyo tababarkiisuba gaar  u yihiin oo ka hawl-geli doona inuu sugo shaqadaas soconaysa. Imika hawsha shiidaalku waxay maraysaa marxaladii qorshaynta ee la dejinayay waxa la  qabanayo.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu sheegay,“Haddii aan dib ugu noqdo heshiisyadan ama shuruucdan sheekadeedu dhawrka jeer soo noqnoqonaysay ee la leeyahay heshiisyadan maxaa loo geyn waayay Baarlamaanka. Anigu horena waan u idhi, imikana waan leeyahay  wax  runtii baqasho ah oo aanu ka qabno inaanu Baarlamaanka u gudbino heshiisyadan wax allaale iyo waxaanu kaga baqaynaa ma jirto. Laakiin meesha waxa jira nidaam sharciga shiidaalka ee hore ee inoo yaalay  dal ahaan. Wasiirka Macdanta iyo tamarta ayaa hormuud ka ah ayuu qorayaa. Haddii laakiin heshiis ajanabi ah oo macdan iyo shiidaal baadhis ah waxa sharcigu qorayaa in laga ansixiyo Golaha Wasiirrada,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, waxase uu  intaas ku ladhay “Laakiin meel ay kaga taalo Golaha Wakiiladdu waa inuu ansixiyaa ma jirto marka la eego sharciga imika inoo yaalla. Shuruuc cusub ayaanu imika wadnaa oo aanu doonayno inaanu samayno.”

Eng Xuseen Cali Ducaale oo ka sii hadlaya shuruucda ay wasaaraddiisu u dejisay Sahaminta Shidaalka, waxa uu yidhi, “Imika iyo haatan-na haddii ay jirto shuruuc muujinaysa  in Baarlamaanku ansixiyaan heshiisyadan, waxa weeye in shirgudoonku soo gudbiyaan oo ay yidhaahdaan sharcigan ayaa sidan iyo sidaas u sugaya in Baarlamaanku ansixiyo.”

Si kastaba ha ahaatee, Axsaabta Mucaaradka ah iyo Xiildhibaannada Goleyaasha Xeer-dejinta qaarkood, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo inta badan dhaliilo ugu jeediya inay iska idho-tirto shuruucda iyo xeerarka dalka u yaala isla markaana aanay u gudbin Heshiisyada ay Shirkadaha Ajaanibka ah la gasho goleyaasha Xaqa u leh inay naaqishaaan Heshiis kasta oo saamaynaya kheyraadka Dalka ee la wada leeyahay.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories