HomeSomaliland: Wasiir Wareejiyey Shaqaale ka badan Tiradii la Qoray 20-kii Sanno ee...

Somaliland: Wasiir Wareejiyey Shaqaale ka badan Tiradii la Qoray 20-kii Sanno ee ka horeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirkii iyo Wasiirul-dawlihii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa shalay Xilalkii ay hayeen ku wareejiyey Wasiirka iyo Ku-xigeenkiisa cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasaaraddaas.

Isku-shaandheyn madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Golihiisa Xukuumadda bilowgii bishan, waxa uu Wasiirkii hore ee Xannaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir u beddelay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kaddib markii uu xilka ka qaaday wasiirkii wasaaraddaas oo muddo u jiifay xaalad caafimaad-darro, halka Wasiirul-dawlihii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdulle Xilka ka qaaday, booskiina ku beddelay Wasiir ku-xigeen Cusub oo uu u magacaabay.

cabdi awdaahirMunaasibad loo qabtay xil-wareejinta Masuuliyiintii hore ee Xannaanada Xoolaha iyo masuuliyiinta Cusub oo lagu qabtay Hotel Safaari ee magaalada Hargeysa shalay, waxa ka qayb-galay Wasiirro, Xildhibaanno, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Marti-sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha somaliland Dr.Jaamac Maxamed Odowaa oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay wax-qabadka ay masuuliyiintii hore ku soo kordhiyeen wasaaradda muddadii ay joogeen, isaga oo soo bandhigay korodh lagu sameeyey tirada shaqaalaha Wasaaradda Muddadii ay xilalka hayeen iyo sida ay wax uga qabteen caafimaad-qabka Xoolaha oo laf-dhabar u ah Dhaqaalaha Somaliland.

“Shaqaalaha wasaaradda markii hore waxay ahayeen waxaan Gaadhin Laba Boqol, hadana waxa ay yihiin 350 Shaqaale ah, waxaana kale oo ka Mid Ah toban Milayn oo Xoolaha oo La Daweeyay,waxa lagu qiyaasaa Xoolaha Somaliland ilaa Labaatan Milyan, Haaf ka mid Ahi waxa ay qateen Dawooyin iyo Talaal, Dawladuna wasaaraddan waxa ay u kordhisay Miisaaniyada oo dawladii ka horaysay ahaan Jirtay ilaa Saddex Boqol oo kun imikana waxa weeyaan Hal Milayn oo dollar oo lacag ah,” ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xooluhu.

Wasiiru-dawlahii hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdale oo xilka ku wareejiyey Wasiir-ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Cali Maxamed Cilmi oo ahaa Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xilka uu wareejinayo, waxana uu masuuliyiinta cusub u rajeeyey in Eebbe ku astaro xilka qaran loo igmaday.

Wasiirkii Hore ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa warramay wax-qabadyadii uu ku soo krodhiyey wasaaraddal, isaga oo sheegay inuu Wasaarada Xanaanada Xoolaha Gaadhsiiyay meel aanay hore u gaadhin, waxaanu yidhi, “Waa Wasaarad Maanta ay u dhantahay dhamaan adeegyadii ay Ku hawlgalaysay ee lahaa Dhismayaal, shaqaale, qalab, shuruuc, Somaliland inta badan dhaqaalaheedu wuxuu ku xdhanyahay Xoolaha Nool. Boqolkii 70 shaqaalaheenu waxay Ku xidhan yihiin Xoolaha, boqolkii 60 GDP (Dakhliga Dhaqaale ee dalka soo gala) waa Xoolaha, boqolkiiba 85% lacagta inaga soo gasha waxaynu dhoofino waxay ka timaadaa Xoolaha.”

Wasiir Cabdi Aw Daahir oo ka hadlay tirada shaqaalaha iyo Korodhka ay ku sameeyeen, ayaa yidhi, “Mudane Wasiir, waxaanu kuugu wareejinayaa 335 shaqaale oo 30 ka mid yihiin 2015-ka. Shaqaalahaa 195 ka mid ah waxa la qoray intii dawlada Xisbiga Kulmiye talada dalka la wareegtay oo ka badan shaqaalihii 20-kii sannadood oo dhamaa 140 keliya una badnaa hawlgab. Waxaan ka duulaynay siyaasadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ee ah Kor-u-qaadidda Shaqo abuurka iyo daryeelka xoolaheenna. Shaqaalahaas 80% waa dhakhaatiir Xoolaha ah oo ka soo qalinjabiyay Jaamacadda Burco, Dugsiga Xoolaha ee Sheekh iyo jaamacadaha Ethiopia. Maanta inta badan gobolada dalka waxaa ka hawlgala dhallinyaro jaamiciyiin ah oo u heegan ah daaweynta iyo daryeelka Xoolaha.”

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Cumar Sheekh Maxamed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu si fiican ula shaqayn doono shaqaalaha wasaaradda, isaga oo xusay inuu latashi badan la samayn doono masuuliyiinta uu xilka kala wareegayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories