HomeSomaliland: Wasiir Maxkamad la tiigsanaya Guddoomiye Xisbi

Somaliland: Wasiir Maxkamad la tiigsanaya Guddoomiye Xisbi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Somaliland, Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in uu maxkamad la tiigsanayo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo wasiirka ku eedeeyay in uu ku kacay musuq-maasuq Xilligii uu ahaa Wasiirka Horumarinta Jidadka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa eedaynta uu wasiirka u jeediyey ka sheegay munaasibad xisbiga UCID ugu dabbaal-degay 20-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay Xisbiga UCID sannadkii 2001-dii, taas oo shalay ku qabsoontay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

blank
Maxkamada sare ee Somaliland

Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan oo maanta ka jawaabay dhaliilaha guddoomiyaha UCID u jeediyey, ayaa Eng Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay inuu markasta fagaarayaasha ka sheego hadallo aanu iska hubsan oo been abuur ah.

Cabdilaahi Abokor waxa uu sheegay in uu gacanta ku hayo dhammaan dhukumantiyadii iyo xogta hawlihii uu ka masuulka ahaa intii uu joogay wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, waxaanu ku gooddiyey inuu maxkamadaha dalka u gudbiyo dacwad ka dhan ah Faysal Cali Waraabe si ay garsoorka ugu kala baxaan.

blank“Aniga iyo Faysal in waxaanu kula bixi doono laamaha garsoorka ee Somaliland, waana markii ugu horraysay ee laba masuul isla tagi doonaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo. Ma jiro wax na dhexyaala aniga iyo Faysal, balse Faysal dib u dhac hagar-daamo ayuu ku yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuquraadiyada Somaliland, maantana waxa uu jooga sannadkii 21-aad ee uu yahay guddoomiye xisbi, waana markii afraad ee uu leeyahay waxaan u sharaxanahay xil madaxweyne, taasina waxa ay Meesha ka saaraysa nidaamkii dimuquraadiyadeed, dawladdeed iyo isbeddel. Markaa dhab ahaantii waxaan arkayaa Faysal in uu yahay Weel madhan, weelka madhanina wuu sanqadh badan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Abokor.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa aan ogahay in Faysal Qaranka hagardaamo ku yahay, in uu nidaamka dawladdnimada hagardaamo ku yahay. Faysal waxa uu dafiray qorshihii Qaranka ee 2017-ka illaa 2022-ka, waxa uu dafiray qorshaha Qaranka ee 2030-ka, waxa uu dafiray qorsheyaasha wasaaradaha, wasaarad aan qorshe lahaynina ma jirto”, Sidaas ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories