HomeSomaliland: Wasiir Loo Dhaariyey Xubinimada Golaha Wakiillada

Somaliland: Wasiir Loo Dhaariyey Xubinimada Golaha Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii Wasaaradda Maalgeshiga iyo Horumarinta Wershadaha ee Somaliland, Marwo Aamina Cilmi Fariid, ayaa maanta loo dhaariyey xubin ka mid ah Mudaneyaasha golaha Wakiillada ee Somaliland.

Marwo Aamina Cilmi Fariid oo ka hor intii aan Xilka Wasiirka Loo Magacaabin Isu-sharraxday Doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2021-dii ka qabsoontay dalka, ayaa buuxisay Booska Allah ha u naxariistee Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo 19-kii April, 2023 ku geeriyooday Cusbitaal u yaalla magaalada Diridhaba ee dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loogu qaaday.

Xildhibaanka Geeriyooday ayaa ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Gobolka Awdal uga soo baxay Xisbiga UCID, waxaana sida ku xusan natiijadii Guddiga Doorashooyinku ka soo saareen Doorashadii golaha Wakiillada ee sannadkii 2021-dii sugaha Koowaad ee Xisbiga UCID oo Ahayd Marwo Aamiina Cilmi Fariid Badeed Oo 23-kii November 2022-kii madaxweynaha Somaliland u magacaabay Xilka Wasiirka Maalgeshiga iyo Horumarinta Dekedaha.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu maanta si rasmi ah xilka Kursiga Golaha Wakiillada ugu dhaariyey Marwo Aamiina Cilmi Fariid kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranku 30-dii April 2023 Maxkamadda Sare u soo gudbiyey Codsi ay ku dalbadeen in Xikaas loo dhaariyo Marwo Aamina Fariid.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa dhaarta kaddib xildhibaanka cusub kula dardaarmay in ay qaranka daacadnimo ugu adeegto, waxaanu ugu duceeyey in Allah u fududeeyo masuuliyadda la saaray.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu buuxiyo Xilka Wasiirka Maalgeshiga oo bannaanaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories