HomeSomaliland: Wasiir iyo Agaasime Dagaal Gacan-ka-hadal ah Isku Faro-saaray iyo Ubucda Khilaafka...

Somaliland: Wasiir iyo Agaasime Dagaal Gacan-ka-hadal ah Isku Faro-saaray iyo Ubucda Khilaafka Jira

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Dagaal Gacan-ka-hadal ah oo aan wax khasaare ah midkoona ka soo gaadhin, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Suleymaan Yuusuf Cali Koore iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Mukhtaar Maxamed Cali.

blankSida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo aanu ka helnay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, ayaa dagaalka gacan-ka-hadalka ahi ku dhexmaray Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, waxaana la sheegay inay markii dambe kala dhex-galeen oo kala qabteen Askarta Ilaallada ka ah wasaaradda.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa Ismaan-dhaafka gacan-ka-hadalka gaadhay ee dhexmaray labada masuul, haseyeeshee, waxa muddooyinkii u dambeeyey khilaaf dhinaca maamulka ahi u dhexeeyey labada masuul tan iyo markii Wasiirka Wasaaraddaas loo soo beddelay Mudane Suleymaan Yuusuf Cali Koore horaantii bishii December 2019-kii oo wasiirku markii uu xilka la wareegay amarro cusub oo uu soo saaray uu ku xayiray awoodo dhowr ah oo Agaasimaha Guud ku waday hawl-qabadka iyo shaqada Wasaaradda, taas oo sababtay inuu Wasiir Koore joojiyo ama Hakiyo Saxeexa Agaasimaha Guud.

Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland, ayaa lagu tilmaamaa wasaaradda ugu khilaafka iyo xasaradda badan hay’adaha dowliga ah ee Somaliland, iyadoo masuuliyiintii hore ee soo martay wasaaraddaas laga soo bilaabo xilligii uu talada dalka la wareegay xisbiga Kulmiye sannadkii 2010-kii ilaa wakhti xaadirkan ay wasaaraddu ku suntanaatay isla markaana ay barriinsatay khilaaf ay bud-dhig u yihiin Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha wasaaraddaas, taas oo sababtay inay wasaaraddaasi ka mid noqoto wasaaradaha dalka ee masuuliyiinta ugu tirada badan soo mareen.

“Intii aan wasaaraddaas joogay oo 20 sanno ku dhow xasarad iyo khilaaf kama baxno oo waxaad arkaysay laba masuul oo is-haysta ama shaqaale iyo masuul is-haysta. Waxaas oo dhib ah waxaanu ka raysannay laba sanno oo uu nala joogay wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo horena u soo maray maareeyaha Tv-ga qaranka,” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo sababo badan awgood uga cudur-daartay in magaciisa la xuso.

Maxamed Muuse Diiriye oo hadda ah wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha, ayaa xilka Wasaaradda Warfaafinta ku wareejiyey wasiirka Saleebaan Cali Koore 8-dii bishii December 2019-kii, xilligaas oo isaguna xilka kala wareegay wasiir Koore oo xilka Wasaaradda Biyaha hayey tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi soo dhisay xukuumaddiisii u horeysay horaantii sannadkii 2018-kii.

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories