HomeSomaliland: Wasiir Iska casilay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi

Somaliland: Wasiir Iska casilay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash, ayaa goor-dhawayd shaaciyey inuu si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayey xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blankMa jiro war arrintan ku saabsan oo wasiirku u soo bandhigay warbaahinta, haseyeeshee xogo ay heshay saxaafaddu ayaa tibaaxay in Md Cabirisaaq Ibraahim uu is-casilaaddiisa maanta u gudbiyey Madaxweynaha Somaliland.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu Wasiirka ka aqbalay iscasilaadda uu u gudbiyey, ugana mahad-celiyey muddadii uu hayey xilka Wasiirka Gaadiidka.

Md Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo xilka wasaaradda hayay ilaa bishii September ee 2021-kii oo madaxweynuhu magacaabay, ayaa sababta is-casilaaddiisu la xidhiidhaa go’aanka madaxweynaha Somaliland dhawaan ku shaaciyey inay fuy furista ururrada siyaasadda oo diiwaangelintooda loo muddeeyey badhtamaha sannadkan.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa 29-kii bishii January ee sannadkan magacaabay guddiga diiwaangelinta ururrada Siyaasadda oo ka kooban Toddoba xubnood.

Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa la filayaa inuu Khamiista Berri magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Waaberi, kaas oo ka mid noqon doona urur-siyaasadeedyada ku tartami doona doorashada saddexda Xisbi Qaran ee beddeli doona kuwa muddo-xileedkoodu dhammaaday ee Kulmiye, UCID iyo Waddani.

Md Cabdirisaaq Ibraahim Ataash oo hore u soo qabtay xilka Wasaaradda Isgaadhsiinta bilowgii xilligii Xukuumaddii madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa ah siyaasi dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka Sool.

Mr Ataash ayaa noqonaya siyaasigii labaad ee ka soo jeeda Beelaha gobollada Sool iyo Buuhoodle ee ku dhawaaqa urur-siyaasadeed cusub, waxaana ka horeeyey oo urur-siyaasadeed ku dhawaaqay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xaglatoosiye oo 29 January 2022 magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay urur-siyaasaadeed lagu magacaabo SPP (Somaliland People’s Party).

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.ne

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories