HomeSomaliland: Wasaaraddo Wada Jir u qabanaya Shir Ku saabsan Qorshe dhaqaale abuur...

Somaliland: Wasaaraddo Wada Jir u qabanaya Shir Ku saabsan Qorshe dhaqaale abuur ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost) Xukuumada Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in ay qabanayso shir balaadhan oo heer qaran, kaasi oo lagaga arrinsanayo shaqo abuurka gaar ahaana sidii dhalinyarada shaqooyin loogu samayn lahaa.

Sidaasina waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ay soo saartay wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Somaliland oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda shaqasda iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad).
War-saxaafadeedkaasi ayaa lagu sheegay in si wax looga qabto shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ay dawladu qaadayso talaabo deg deg ah, taasi oo looga danleeyahay si loo badalo qaabdhismeedka dhaqaale, loona horumariyo baaxada shaqo abuur, isla markaana dawlada ka go’an inay isku keento dhamaanba daneeyayaasha, kuna hogaamiso sidii loo sameyn lahaa shir qorshe qaran oo khuseeya shaqo abuurka.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Warsaxaafadeed:Inkasta oo dhaqaalaha dalku si tartiib-tartiiba ah u sii kobcaayay labaatankii sano ee u danbeeyay, hadana waxa iska cad in dhismaah iyo kobacu aanu soo jidan shaqo abuur badan.

Gaar ahaan dadka ay da’doodu ka yar tahay 30 jir kuwaas oo 70% bylshada ka ah, shaqo la’aanta iyo ku naggi la’aanta shaqo iyo waliba aqonta iyo shaqada oo kala hooseeya ayaa ah mid soo wajahada guud ahaan Somaliland.
Dawladu waxay xaqiijinaysaa in talaabo dag deg ah loo baahan yahay si loo badalo qaabdhismeedka dhaqaale, loona horumariyo baaxada shaqo abuur, sidaa daraadeed waxa dawlada ka go’an inay isku keento dhamaanba daneeyayaasha, kuna hogaamiso sidii loo sameyn lahaa shir qorshe qaran oo khuseeya shaqo abuurka.
Ujeedada shirka
• Sidii loo heli lahaa siyaasad cad oo lagu balaadhinayo baaxdda shaqo ee Somaliland.
• Ujeedada gaarka ah ee laga leeyahay waxa ka mid ah : Sidii loo fahmi lahaa si habaysana loogu furdaamin lahaa caqabadaha hor taagan korniinka shaqo, si looga baxo, loona yareeyo tiro badan oo ka mid ah dadka shaqa la’aanta la kulma.

Ujeedada qorshaha – shaqo: Shaqo abuur: in la helo dhaqaale abuura fursado maalgashi, ganacsi, horumar xirfadeed, shaqo abuur iyo joogteynta quutal daruuriga.
Maalmaha shirku soconayo: labo cisho
Ka soo qayb galayaasha
Lixdan qof oo ka kala socda xubnaha sare ee dawlada, dhallinyarada , haweenka, ganacsatada, ururada bulshada, deeq bixiyayaasha, haayadaha caalamiga ah, kuwa UN-ka, madaxda Jaamacadaha, khuburada, Ururada shaqaalaha, ururada loo shaqeeyaha, xarunta ganacsiga iyo wixi la mid ah.

Goobta: Al Maansuur Hotel – Hargeysa
Shirkii hortii
Shirka hortii waxa loo baahan yahay inay qabsoomaan arrimahan soo socda:
1. Kulano gobolada ka qabsooma: ujeedaduna waa sidii looga wada tashan lahaa, loogana qayb qaadan lahaa si loo helo xog dhameystiran iyo caqabadaha hortaagan.
2. Kulan saxaafadeed: kooxo la soo xulay oo khuburo ah ayaa ka hadli doona kulano loo qabto saxaafada.
3. Daabacad: waxa lagu casuumi doona saxaafada inay daabacaan war bixinaha la xidhiidha arrintan.
4. Sameynta mareega: waxa la sameyn doonaa mareeg si aaraada iyo afgaarta looga soo dhiibto.

Bandhiga Carwo ee la xidhiidha arrimaha shaqo
Waxa iyana l;a qaban doona bandhiga carwo oo la xidhiidha arrimaha shaqo, wxay cid kasta oo si uun ula xidhiidha arrimaha shaqo soo bandhgi doontaa wax soo sarkeeda ama adeegyadeeda la xidhiidha arrimaha shaqo.

Qaban qaabiyayaasha
• Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada
• Wasaarada qorsheynta qaranka iyo horumarka
• Haa’yada ILO
• Dalada Dhalinyarada ee SONYO

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidha
Nimco-Ilhan Ali (0634132068)
Abdulkadir Daud (063 4418627)
Mohamed Hassan (063 442 8042)

somalilandpost.netWasiirka-Shaqadda

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories