HomeSomaliland: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Gobollada u kala dirtay Qaboojiyeyaasha Keydka Daawooyinka

Somaliland: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Gobollada u kala dirtay Qaboojiyeyaasha Keydka Daawooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ee Somaliland, ayaa maanta gobollada dalka u kala dirtay Agab loogu tala-galay in lagu keydiyo Daawooyinka tallaalka Xoolaha.

Qalabka oo ah Qaboojiyeyaal lagu ilaalinayo tayada daawooyinka tallaalka ah ee Xoolaha dalka, waxa munaasibadda loogu kala dirayey gobollada dalka goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

blankUgu horeyn, waxa munaasibadda agabka lagu kala diray ka hadlay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Dr Axmed Haybe Warsame oo sheegay in wasaaraddu baahi weyn u qabtay qaboojiyeyaasha lagu keydinayo tallaalka Xoolaha oo wata agabka korontada laga dhaliyo qorraxda, kuwaas oo ay wasaaradda ugu deeqday Hay’adda cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Tallaagadaha wasaaradda loogu deeqay oo tiradoodu 24 tahay ayaa loo qayb-galiyey lixda gobol ee waaweyn ee degmooyinka hoos-yimaadda, waxaanu Agaasimuhu sheegay inay wax weyn ka qabanayaan caqabado badan oo Wasaaradda ka haystay gaadhsiinta daawooyinka ee gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu dedaal ugu jirto sidii ay kor-ugu qaadi lahayd una kobcin lahayd adeegyada Caafimaad ee Xoolaha oo udub-dhexaad u ah Dhaqaalaha Dalka.

“Maka tallaalku jiro ee gobollada dalka loo baxo, waxa dhakhaatiirka dhib ka haysataa dawooyinka oo aan xamilaynin talaagad la’aan, markaa waxa daruuri noqotay in goob kasta oo dalka ah oo xooluhu joogaan laga helo tallaagad shaqaynaysa oo dawadu ku jirto,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub Maxamed.

Warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah kaga Bogo Video-ga Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories