HomeSomaliland: Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Keentay Qalab lagu Xisaabinayo Cashuuraha ku waajibay Shirkadaha...

Somaliland: Wasaaradda Isgaadhsiinta oo Keentay Qalab lagu Xisaabinayo Cashuuraha ku waajibay Shirkadaha Is-gaadhsiinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Isgaadhiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, ayaa keentay qalab lagu ogaanayo cashuuraha ku waajibay shirkadaha isgaadhsiinta iyo in ay dabooleen baahida adeegga isgaadhsiineed ee ay bulshadu u baahan tahay.

 

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Muxumed ayaa sheegay inay keeneen qalab suuragalinaya in la ogaado dhaqaalaha soo gala shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland si loo ogaado cashuurta saxda ah ee ku waajibtay.

wasaaradda Isgaadhsiinta somaliland

Wasiir Dr. Cabdiweli waxaa uu xusay inay gacanta ku hayaan rakibaadda qalabkaas oo ah mid casri ah oo uu tilmaamay in uu soo xareyn doono cashuuro badan oo ku baaqan jiray shirkaddaha isgaadhsiinta Somaliland.

Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland waxaa uu sidaa ku sheegay wareysi uu siiyay muuq baahiyaha Saab tv.

 

Wasiirka oo fahfaahin ka bixinayay qalabka ay dalka keeneen iyo faa’iidooyinkiisa, ayaa yidhi “Qalabkii wuu yaalaa oo wuu yimid maalmahan u dambeeyayna waxaanu ka shaqeynaynay rakibaadiisa, marka bulsho badani isticmaalayaan waxaa la doonayaa in la rakibo, hadda diyaarintiisii ayaanu gacanta ku heyna waana diyaar, waxaanu ogaanaynaa xidhiidhka dhexmaraya shirkaddaha isgaadhsiinta, si ay u fududaato cashuuraha laga qaadayo shirkaddaha, tusaale ahaan inta qof ee maanta wada hadashay shirkad kasta dalka gudihiisa iyo dibediisaba,mana aha ogaanshahaasi mid saamayn ku yeelanaya macaamiisha loo adeegayo, laakiin waxa uu noo sahlayaa qalabkani in cashuurta si wanaagsan loola socdo,sidoo kalena la ilaaliyo xuquuqda macaamiisha”

 

Wasiir Cabdiweli isaga oo hadalkiisa sii wadda waxaa uu intaa raaciyay in rakibaada qalabkaasi in uu sahli doono soo xareynta cashuurihii ku baaqan jiray shirkaddaha isgaadhsiinta waxaanu yidhi “Maadaama dakhli la soo xareynayo waxaa habboon in weelkiisii loo diyaariyo qalabkan maamulkiisana wasaaradda ayaa gacanta ku heysa oo shaqaale u tababaran ayaanu u diyaarinay waxaanu ku rejo weynahay in uu wax badan ka qaban doono dakhliga oo uu ka qaban doono, qaybo ka mid ah wadanka baahi isgaadhsiineed ayaa jirta markaa wasaaraddu waxaay shirkaddaha isgaadhsiinta ku soo rogi doontaa in baahiyaha la gaadhsiiyo meel walba, cashuuro badan oo baaqan jiray ayuu fududeynayaa oo uu soo xareynayaa iyo in kor loo qaado adeega isgaadhsiinta”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories