HomeSOMALILAND: Wasaaradda Caafimaadka oo ku hawlan Xog-ururin Markii u horeysay lagu Daraasadaynayo...

SOMALILAND: Wasaaradda Caafimaadka oo ku hawlan Xog-ururin Markii u horeysay lagu Daraasadaynayo Xaaladda Nololeed ee Haweenka Xilliga Dhalmada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo Ururrada Caalamiga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin, ayaa ka hawlan Qorshe cilmi-baadhis iyo daraasad lagu samaynayo Xaaladda Haweenku ku sugan yihiin wakhtiga Dhalmada, taas oo noqonaysa markii u horreysay ee Somaliland laga hirgeliyo.

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo shalay hadal ka jeedisay Kulan tabobar loogu fidinayey hawl-wadanadii ka qayb-qaadan lahaa xog-ururintan, kaas oo ku qabsoomay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay inay tahay markii u horreysay ee mashruucan laga fulinayo Somaliland, isla markaana ay tahay mid lagu daraasadaynayo waxyaabaha sababa iyo xaaladaha u saamixi kara inay cudur-sidayaashu halis geliyo hooyada ku jirta wakhtiga dhalmada.

NIMCO XUSEENWasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan oo kulankaas ka hadashay, ayaa taabatay muhiimadda mashruucanni leeyahay, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aynu isugu nimid in tababar la siiyo Hawl wadeenno ka hawl geli doona, sidii ay xog u heli lahaayeen Hooyada Somaliland iyo Dumarku  marka ay ku jiraan xilliga dhalmada waxyaabaha sababa, waxa aynu odhan karnaa waa hawl ballaahan oo ah xog ururintii ugu horaysay ee la sameeyo, waxaana iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Hay’adda WHO iyo Hay’adda DARS oo hawl fududaynta wada iyo Jaamacad  Abu Dhabi ku taala, waxaan leeyahay wa hawl culus oo ah tii ugu horraysay, waana hawl haddii ay inaga qaloocato ina daba socon doonta mustaqbalka,” ayey tidhi Marwo Nimco, waxaanay intaas ku dartay iyada dar-daaran u jeedinaysa hawl-wadeennada tabobarka qaadanayey, “Waxaan ku boorinayaa dhalinyarada inay hawshaas inooga soo baxaan 10 ka sannadood ee soo soxda xogtii ay wasaaradda Caafimaadku ku hawl geli lahayd ee ay ku salayn lahayd barnaamijyada hooyda iyo dhalllaanka in lagu horumariyo caafimaadkeeda taas ayaa kula dardaarmayaa,” ayey tidhi

Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka oo hadalkeeda sii wadatay waxa ay intaasi raacisay “Waxaan kula dardaarayaa Gobolada iyo Degmooyinka, Maayirrada iyo Masuuliyiinta Dawladda u jooga iyo Hooyooninka xogta laga doonayaba oo la doonayo inay xogtaasi noqoto mid run ku salaysan, aadaama oo aynu doonayno in barnaamijkii 10-ka sanno ee soo socda lagu hawl gelilahaa halkaas ka soo baxdo, Xog ururintanna  tahay tii ugu horraysay waa in ay si sax ah inooga dhacdo, waa inaanay noqon mid

inta gidaar lala fadhiisto la soo buuxbuuxiyo, waa inay noqotaa xog ku salaysan xogta dhabta ah iyo baahiyaha caafimaad ee goobtaasi ka jira, waayo waxa aynu ognahay in caaladda caafimaad ee dalka ay duruufo baadani ku gadaaman yihiin, waxa ay noqonaysaa mid soo shaacsaarta xaaladda caafimaad ee dalka ee dhabtab ahi halka ay taagan tahay, waxaanay noqonaysaa miisaankii laga qiyaas qaadanayey ee ah halkee ayeynu u soconaa oo aynu gaadhaynaa, waa inay ka soo baxdaa xog aad idin kuna amaanteeda yeelataan,” ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi Baadhista ee DARS Ibraahim Haashin oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu kooxahan samaynaya xog ururintan kula dardaarmay inay keenaan xog rasmi ah oo dhamays tiran, waxaanuu uga digay inay gidaarada la fadhiistaan oo ay soo buuxbuuxiyaan, isaga oo xusay inay dhowaan gobolada dala ee kale ka billaabi doonaan xog ururintan oo ay tababar siin doonaan kooxaha ka hawl geli doona.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories