HomeSomaliland: Wasaaradda Beeraha oo markii u horeysay fulinaysa Hawl-gal lagu tir-tirayo SUNTA...

Somaliland: Wasaaradda Beeraha oo markii u horeysay fulinaysa Hawl-gal lagu tir-tirayo SUNTA lagula dagaalamo Ayaxa oo ku Kedsan Duleedka magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa bilawday wejigii labaad ee hawl gal ay ku baabinayso Sunta faaftay ee ku jirtay xaruntii Ayaxa ee Geeska Afrika oo ku taala Koonfurta magaalada Hargeysa.

Kormeer ay maalintii shalay ku tageen masuuliyiinta wasaaradda Beeraha oo uu ka mid yahay Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Agaasimaha Guud C/laahi Ismaaciil, masuuilyiin kale oo wasaaradda ka socday, Masuuliyiin ka socday hay’adda ka hawl galaysa tirtirka sunta Ayaxa oo la yidhaahdo Black Smith iyo hay’adda FAO masuuliyiin ka socda.

W. Beeraha 3Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ayaa waxa ay kormeereen halka uu marayo hawl gal lagu tirtirayo xaruntii Sideetameeyadii loogu talo galay in lagula dagaalamo Ayaxa Geeska Afrika oo dagaaladii Sokeeye ka dib bur burtay, isla markaana bulshada saamayn ku yeelatay fiditaan ka dib ay ku soo fiday meelihii ka ag dhawaa.

Wasiirka wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in suntan lagu ridi doono foostooyin, ka dibna Koontiinar lagu xarayn doono, intaasi ka dibna dalka laga qaadi doono, isla markaana meesha sidaasi lagu sifayn doono.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka sheekeeyey talaabooyinka ay wasaaradda beeruhu u soo martay sidii ay u hirgali lahayd baabiinta suntan dadka ku fidaysa, waxaana hadaladii wasiirka ka mid ahaa “Talaabooyinkan lagu sifayno Sunta Ayaxa ee ku kaydsan xaruntii Sunta ayaxa ee lagula daagaalamayey Ayaxa Geeska Afrika ku fida waxa ay soo martay talaabooyin kala duwan, iyada oo aanu ka codsanay EU (Midawga Yurub) inay naga taageeraan hawsha lagu sifaynayo Sunta Ayaxa, waxaanay noo soo mariyeen FAO, iyada oo ay fulinayaan hay’adda ku guulaysatay la dagaalanka Ayaxa oo Mareykan ah lana yidhaahdo Black Smith”.

Agaasimaha, John iyo Wasiirka BeerahaWasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “talaabadii hore way soo dhamaatay oo waxa ay ahayd in cilmi baadhis lagu sameeyo goobaha ay suntani aafaysay, iyada oo ay soo mareen meelaha lagu tuhmayey, taalaabadii labaadna waa tan aynu maanta u joogno oo ah in qalab lagu qaado la keeno dalka oo hay’addani qalabkii ayey hadda keeneen, foostooyin ayaana lagu guri doonaa, waxaana lagu ridayaa Koontiinar, intaasi ka dibna diyaarad ayaa dalka lagaga qaadayaa”.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay meelo kale suntu ku jirto, balse ku dedaalayaan inay sidii ay uga sifayn lahaayeen “Meelo kale sun way ku jirtaa, laakiin waxaanu ku dedaalaynaa inaanu ka sifayno”.

Wasiirka ayaa ugu dambayn waxa uu shacabka ka ag dhaw kula taliyey inay ka fogaadaan, isla markaana ogsoonaadaan inay hawli ka socoto meesha oo suntii laga qaadayo.

Beerhaa 2Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland C/laahi Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in suntan laga sifayn doono goobtan, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaad maqli jirteen uun miino saar, laakiin kuwana waa Sun saar oo suntii xaruntii la dagaalanka Ayaxa Geeska Afrika oo bur burtay ayaa ay inaga sifaynayaan suntii ku hadhay”.

Masuuliyiin ka socday Hay’adda FAO oo ay ka mid yihiin masuulka u qaabislan isku xidhka barnaamijyada Somaliland ee FAO Mulugeta Shibro, madaxa Xafiiska socdaalada FAO Maxamed Jaamac iyo sidoo kale masuuliyiin ka socda hay’adda Black Smith, iyaga oo dhamaantood sharaxay muhiimada ay hawshani u leedahay dalka.

Dhawr bilood ka hor ayey ahayd markii masuuliyiinta wasaaraddu soo kormeereen wejiga koowaad ee cidhib tirka suntan oo saamayn taban ku haysa Deegaanka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories