HomeSOMALILAND: Wariyeyaal Maalintii 7aad Xabsiga ugu jira Xukuumadda Siilaanyo oo Mudaharaad Cunto-ka-soomis...

SOMALILAND: Wariyeyaal Maalintii 7aad Xabsiga ugu jira Xukuumadda Siilaanyo oo Mudaharaad Cunto-ka-soomis ah kaga Dareen-celiyey Xadhigga lagula Kacay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Afar Weriye oo dhawaan ciidamadu boolisku Xabsiga u taxaabeen, ayaa Maanta ka Soomay Cuntadii iyaga oo ilaa  Habeen hore aan wax cunto ah afka saarin, isla markaana Quracdii Saaka loo geyey aanay Cunin, waxaanay Dadka Eheladooda ahi xaqiijiyeen in maanta markii Qadadii loogeyey ay Ciidanka Xabsigu u sheegen in aanay Wariyaashi Ilaa Xallay waxba cunin.

Afartan Wariye ayaa Ciidanka Booliska oo fulinaya Amar uu bixiyey Taliyaha  Boliiska ay Xidheen wakhti ay ku gudo-jireen Shaqadooda Hawlmalmeedka ahayn, waxaanay wakhtiga la xidhay Duubayeen Banaan-bax Salmi ah oo ay sameynayeen koox wariyeyaal ah oo ka Cadhoodey Siideynta dambiile u xidhnaa Weerar isku-day dil ahaa oo badhtamihii sannadkan lagula kacay Wargeyska Hubaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeysa, kaas oo ay sii daysay Xukumada Somaliland.

Weriyeyaal-la-xidhayWariyeyaashan ayaa Muddo todoba Cisho ah u Xidhan Xukumada waxaanay kala yihiin Siciid Khadar Cabdilaahi, Xasan Maal Dhidar, Cabdisalaan Cabdirashiid iyo Cabdicasiis Bashiir oo ka hawl gala saxaafada madaxa banaan ee Somaliland, waxaana tan iyo mudadaasi ay xidhnaayeen  laga horjoogsaday  in ay arkaan dadka ehelladooda ah, Suxufiyiinta iyo ururrada xuquuqal-iinsaanka.

Wariyeyaasha ayaa intii ay xidhnaayeen hal oo kaliya ah la horgeeyey Sharciga, waxaana natiijadii dhegaysiga dacwaddooda ka soo baxday xukun Rumaan ah oo maxkamaddu amartay in muddo todoba Cisho ah lagu hayo Xabsiga, iyada oo aanay maxkamaddu wax dambi ah ku caddayn.

Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa dareeno kala duwan ka bixiyey  xadhiga wariyeyaasha, iyaga oo xukumada ku dhaliilay in xoriyatul-qawlkii ka hor timid, isla markaana ay u xuubsiibatay inay awooddeeda isugu geysay sidii ay ula dagaalami lahayd Madax-bannaanida Saxaafadda Dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories