HomeSomaliland: Wareejinta Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo Is-afgarad laga gaadhay

Somaliland: Wareejinta Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka Berbera oo Is-afgarad laga gaadhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulan ballaadhan  oo lagu lafo-guray sidii wada-jir iyo is-fahan loogu dhammayn lahaa wareejinta haamaha shidaalka Berbera la qaadatay guddida ay ku bahoobeen ganacsatadii hore u maamuli jirey haamaha keydka shidaalka ee Berbera (BOG).

Kulankan oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi,  maareeyaha haamaha shidaalka Berbera, Mudane  Xasan Axmed Ibraahim Embasi iyo xubnaha guddida shirkadaha laga wareejiyey maamulka haamaha Berbera, waxana la isla gartay in si wada-jir ah ay ganacsatada iyo xukuumaddu uga wada-shaqeeyaan dhammaystirka hawsha wareejinta haamaha shidaalka Berbera, iyada oo ay ganacsatadu dhinacooda caddeeyeen inay xukuumadda si hagar la’aan ah ugala shaqaynayaan dhammaytirka wax kasta oo muhiim u ah in maamulka haamaha shidaalka Berbera si turxaan la u galaan gacanta xukuumadda.

Guddoomiyaha ganacsatada hore u maamuli jirtey keydka haamaha shidaalka ee Berbera, Mudane Cali Yaasiin Kooshin oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa  hoosta ka xarriiqay inay ganacato ahaan ku qanacsan yihiin sida ay xukuumaddu wax u waddo iyo qabyo-tirka wareejinta haamaha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annaga iyo dawladdii oo wada dhan, ayaannu isla garanay inaannu si wax u wada wadno, haamuhuna sidii ay u wareegeen bay u wareegeen, wixii hadhay ee dibu hagaajin ahna waannu samaynaynaa, annaguna wixii aannu tabanaynay waanu ka wada hadalnay dawladda, wax khilaaf ah oo na dhex yaallaana ma jirto, maareeyaha loosoo magacaabayna waannu la shaqaynaynaa, hawshaasina sidaas ayey ku dhammaatay.”

Oday Muuse Xirsi Abokor (Muuse-dalab) oo kamid ah guddida ganacsatadii hore u maamuli jirtey keydka shidaalka Berbera, ayaa isaguna caddeeyey inuu guul kusoo dhammaaday kulanka ay madaxweynaha la yeesheen, waxana uu yidhi,, “Arrintii haamaha iyo dawladda waa la isaga yimi, horraanteediina waa tii dhammaatay ee dawladdu la wareegtay, maareeyihii, shirkadihii iyo madaxweynihii baa isaga yimi, khilaafkii yaraana nooc kasta oo uu ahaa waa laga heshiiyey.”

Maareeyaha haamaha shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Ibraahim (Embasi),  ayaa dhinaciisa shaaciyey in meesha laga saaray dhammmaanba wixii khilaaf ahaa ee ka dhashay tallaabadii xukuumaddu kula wareegtay haamaha shidaalka Berbera, “Maanta waxa aan ku dhiirranayaa inaan idhaahdo waannu heshiinnay oo arrintii si farxad leh bay noogu dhammaatay, Somaliland-na marka aad jeclaanaysaa waa marka wax yar la isku qabto ee markiiba la dhammeeyo, anniguna waxan ballan qaadayaa inaynu wada-shaqayn dhaw yeelanno oo aan taladiina qaato,” sidaasna waxa yidhi maareeyaha haamaha shidaalka Berbera, Mudane Xasan Axmed Ibraahim Embasi

Wasiirka wasaaradda Horumarinta maalilyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi oo sharraxaad ka bixiyey natiijada kasoo baxday kulanka dhexmaray xukuumadda iyo guddida ganacsatada, ayaa sheegay in kulankaasi guul iyo is af-garad kusoo dhammaaday, waxana uu yidhi, “Somaliland waxa caado u ahayd inaynu wax walba ku dhammaysanno wada-hadal, ganacsataduna waa dadkii dalkan dhisay ee cashuurta bixiya ee mudan in la dhegaysto oo la tixgeliyo, sidaas darteed wax walba waxannu ku dhammaynay wada-hadal iyo is afgarad, madaxweynahaanna na hoggaaminayey.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories