HomeSomaliland: Warbixin Soo Bandhigtay Tirada iyo Xaaladda ay ku Sugan yihiin Maxaabiista...

Somaliland: Warbixin Soo Bandhigtay Tirada iyo Xaaladda ay ku Sugan yihiin Maxaabiista ku xidhan Xabsiyada Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka ee Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladaha ay ku sugan yihiin iyo tirada guud ee Maxaabiista ku xidhan guud ahaan Xabsiyada dalka.

blankKomishanka Xuquuqal iinsaanka Somaliland oo soo saaray warbixin-sannadeedka 2019-kii, ayaa sheegay in guud ahaan Xabsiyada Dalka ay ku jiraan Maxaabiis tiradoodu dhan tahay 2,317, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo haysto.

Komiishanku xuquuqal iinsaanku wuxuu sheegay in Xaaladda Nololeed ee Maxaabiistu wanaagsan tahay guud ahaan Dalka, marka laga reebo Cuntada ay Maxaabiistu helaan saddexda wakhti oo la siiyo raashin aan ku filnayn ama aanay ku baahi-bixin.

Sidoo kale, waxay war-bixinta oo dheer lagu sheegay in Xabsiyada ku yaalla Magaalooyinka qaar, sida Ceel Af-weyn, Gar-adag iyo Laascaanood iyo Caynaba ay Maxaabiistu dhibaato ku qabaan biyaha oo aan la cabbi karin Adeyg awood.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay inay jiraan Dad Jeelasha ku xidhan oo wakhtigii ciqaabtu ka dhamaaday, balse illaa hadda lagu leeyahay deyn. Komiishanku wuxuu sheegay in isagoo kaashanaya Hay’adda Zekada ee Somaliland iyo Dad Muxsiniin ah uu deyntaa ka bixiyey 9 Qof, laakiin illaa hadda ay xidhan yihiin 36-kii kale.

Dhanka kale, War-bixinta Komiishanka xuquuqal iinsaanka ayaa lagaga dayriyey Xaaladda dhismayaasha Saldhigyada Booliska ee Magaalooyinka dalka, waxaana lagu war-bixintaasi in dhismayaasha saldhigyadu u badan yihiin Qolal yaryar oo gaboogabay, iyagoo yaryarna lagu wada xidho Maxaabiis badan, taasi oo keeni karta Caafimaad-darro iyo Nadaafad-darro.

Sidoo kale, waxa War-bixin-sannadeedkan 2019-ka ee Komiishanka Xuquuqal iisaanka Somaliland lagu sheegay in dhibaatada ka jirtaa tahay gaadiid yaraan, taasina ay cabaqad ku tahay in Ciidammada Boolisku ay waajibaadkooda u gutaan si hufan.

War-bixinta uu Komiishanka xuquuqal iisaanku soo saaray ayaa ka kooban 68 Bog, waxayna kaga warrameen dhacdooyinka waajibaadkooda la xidhiidha ee soo maray sannadkii dhammaaday ee 2019-ka.

@HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories