HomeSomaliland: Warbixin soo bandhigtay tirada Dadka La xidhay iyo kuwo Tacaddiyo loo...

Somaliland: Warbixin soo bandhigtay tirada Dadka La xidhay iyo kuwo Tacaddiyo loo geystay Sannadkii tagay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- War-bixin Sannadle ah oo ay soo saartay Xarun Xuquuqal iinsaan oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay in sannadkan dhamaanaya ee 2021 uu ahaa sannadkii Dadkii ugu badnaa lagu xidhay Somaliland.

War-bixinta Xarunta HRC oo Shalay soo baxday, ayaa lagu sheegay in sannadkan oo keliya Somaliland lagu xidhay 114 Qof, kuwaasi oo isugu jira Sucxufiyiin, Suugaanyahanno iyo Dad kale oo Shacab ah.

blankWar-bixinta oo sidoo kale lagu xusay inay jiraan Tacadiyo Haweenka qaar loo geystay, isla markaana soo baxday 29-kii December 2021-ka, ayaa lagu yidhi, “xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland waxay soo saartay war bixinteedii xuquuqal insaan ee sanadka 2021.

Warbixinta xarunta xuquuqal insaanka madaxabanaan ee 2021, wuxuu nuxurkeedu yahay oo ay la xidhiidha tacadiyo xuquuqal insaan oo dalka gudihiisa ka dhacay sanadkan.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xidhiidha arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January – December.

Waxa jira xaalado soo noqnoqda oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan, kuwaasoo si joogto ah u dhaca laga soo bilaabo 2013, xaruntu waxay si toos ah ula socatay heer ka ay joogto dhowrista xuquuqada aadamaha ee Somaliland.

Xaruntu waxay si weyn uga walaac santahay in sanadkan 2021, uu noqday sanadkii ugu xadhigga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xadhigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda.

Xaruntu sanadkan waxa ay diiwaan galisay 114 qof oo dhammaantood sifo aan sharci ahayn oo dastuurka khilaafsan loo xidhay.

Dadkasi waxay isugu jiraan 13, suxufi, 10 siyaasi iyo 91 qof oo kale oo bulshada inteeda kale ah.

Dadka loo xidhay inay aragtidooda cabireen seddex ka mid ah ayuu xukun maxakamadeed ku dhacay , kuwaas oo kale ah guddoomiye ku xigeenki Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga mucaarad ka ah ee Wadani, Weli Cabdi Jaamac oo lagu xukumay laba sano iyo laba bilood oo xadhig ciqaabeed ah, Cabdilaahi Cabdi Jaamac (Abwaan Qanciye) oo lagu xukumay hal sano iyo seddex bilood oo xadhig ah iyo Maxamuud Maxamed Xaaji Ibraahim oo is na hal sano lagu xukumay.

Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen

Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.

“Waxa sidoo kale warbixintaku xusan tacadiyo boolisku dad shacaba kula kaceen kuwaas oo aanay jirin cid loo xidhay amaba loo maxkamadeeyay.

Sidoo kale war bixinta waxa ku jira xaaladda maxabiista iyo saldhigyada dalka, oo runtii cidhiidhi badani ka jiro, iyado xillagan ay jiraan xaalado caafimaad daro oo uu sababay xanuunka Covid-19.

Dhanka kale, warbixinta xaruntu waxay tilmamaysaa xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin dadka dalka gudihiisa ku baro kacay.

Warbixinta waxa sidoo kale ku jira tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Waxa muddoyinkan dambe soo batay tacdiyada haweenka ka dhan ah taas oo ay sabab ay u tahay inaanu jirin xeer iyo qawaaniin gaar u ah oo lagu xakameeyo amaba lagu tacaala.

Talo soo jeedin.

Ugu danbeyn xaruntu waxay dowladda Somaliland u soo jeedinaysaa arrimahan hoos ku xusan.

  • In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  • In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  • In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  • Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  • In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  • In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.

Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.” Sidaas ayaa lagu sheegay War-bixintan oo ay ku saxeexan tahay Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories