HomeSomaliland: Warbixin Shaaca ka qaadday Doorka Qurbejooggu ku leeyihiin Dhiirrigelinta Tahriibka Dhalinyarada...

Somaliland: Warbixin Shaaca ka qaadday Doorka Qurbejooggu ku leeyihiin Dhiirrigelinta Tahriibka Dhalinyarada iyo Dhayalsiga Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qurbejoogga dalka dib ugu soo laabanaya ee xilalka ka qabta hay’adaha Dowladda iyo Ururrada Maxalliga, ayaa lagu xidhiidhiyey inay yihiin sababaha ugu waaweyn ee hormood ka noqday ama dhiiri-geliya tahriibka dhalinyarada Somaliland oo iyagoo raadsanayaa nolol ka sarreysa heer-nololeedka ay haysataan dalkooda sifo sharci-darro ah oo noloshooda khatar galisa ugu hayaama dalalka Yurub.

Warbixin ay Wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN ka diyaarisay dhibaatooyinka dhaqan-dhaqaale iyo bulsho ee tahriibka dhalinyarada ku hayo dalka, ayaa lagu soo qaatay xog-waraysi laga qaaday masuuliyiin ka tirsan dowladda Somaliland, Xafiiska Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Aqoonyahan u dhashay Somaliland oo cilmiga PhD ka diyaarinaya Jaamad ku taalla dalka Ingiriiska iyo Tahriibe dhowr-sanno ka hor quus iska taagay dedaallo uu ku doonayey qaaradda Yurub inuu ku galo, markii dambe-na ku kalliftay inuu dalkiisa Somaliland dib ugu soo laabto isagoo gaadhay dalka Liibiya oo tiraba dhowr jeer isku dayey inuu ka baxo si uu uga tallaabo badda Mediteranean-ka uguna gudbo waddamada qaaradda Yurub.

youth illegal migration somalilandSuxufi lagu magacaabo Katie Riordan oo warbixinta u diyaariyey wakaaladda Qaramada Midoobay ee IRIN oo wax ka qorta wararka arrimaha bani’aadamnimada, waxa lagu soo qaatay xog-warran laga qaaday Maxamed Xuseen Geeldoon oo sannadkii 2009-kii ka mid ahaa tahriibayaashii ugu horreeyey ee naftooda ku halligay si ay lug ugaga tallaabaan Saxaaraha u dhexeeya dalalka Suudaan iyo Liibiya, isagoo xusay in tiraba dhowr jeer oo uu ku guul-darraystay inuu ka tallaabo badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub kaddib uu dalkiisa ku soo laabtay, waxaanu sheegay inuu si weyn uga qayb-qaato sidii uu dhalinyarada tahriibka u hollatay ugu caqli celin lahaa maadaama oo uu waayo-arag u yahay dhibaatooyinka qof ahaaneed iyo Qoys ee hayaanka Tahriibku leeyahay.

“Suurta-gal maaha in adiga oo Soomaali sheeganaya inaad si sharci ah u tagto, laakiin marka dabaysha tahriibku kugu dhufato, kuma suurta-galayso inaad ku guulaysato,” sidaas waxa IRIN u sheegay Maxamed oo xilligan da’diisu tahay 27-jir kuna sugan Hargeysa, balse wakhtigii uu tahriibiyey da’diisu ahayd 21-jir. Intii uu xog-warranka ku guda-jiray waxa uu Maxamed dib u xusuustay qaar badan oo ka tirsan Asxaabtiisa oo ku waayay saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Suudan oo ay lug ku dhex-mareen.

Dhinaca kale, Sida warbixinta lagu sheegay, Cabdirisaaq Maxamed Siciid oo Sarkaal wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa ka hadlay qorshe Xukuumadda Somaliland kaga hortagayso dhibaatada tahriibka dhalinyarada badhtamaha sannadkii 2013-kii oo lagu aasaasay guddi heer Qaran ah oo dejisa siyaasad xal u noqota tahriibta isla markaana shaqo-abuur lagu sameeyo iyo sidoo kale xarun shaqo-abuurka dhalinyarada loogu talo-galay oo xukuuumaddu maal-geliso, kuwaas oo uu sheegay inay hawl-galkoodu bilow u noqday guul wax-ku-ool ah oo laga gaadhay dhibaatada tahriibta.

Haseyeeshee, waxa uu masuulkani qiray inuu is-dhimay kharashkii xukuumaddu ugu talo-gashay mashruuca, taasina sababtay inay xadhkaha goostaan isla markaana ay korodho tirada dhalinyarada tahriibaysa oo sida masuulkani sheegay gaadhay heer aanay weligeed gaadhin.

Nimco Cali oo Shahaadada PhD ka diyaarinaysa kuliyadda SOAS ee Jamacadda London, isla markaana ku gudo-jirta daraasaynta saamaynta ka dhalata Tahriibka, ayaa ku doodday in shaqo-abuurka ay xukuumaddu xoogga saartay aanay wax saamayn ah ku yeelan qul-qulka tahriibka. Waxa ay xustay in shaqo-abuurkii loo baahnaa ee wax lagaga qaban lahaa saamaynta tahriibka Dhalinyarada ay ku suurtoobi lahayn maal-gelin dibadeed iyo adeegyada nolosha bulshadu ku tiirsan tahay sida waddooyinka iyo korantada oo la horumariyo. Prof Nimco Cali waxa ay sheegtay in Somaliand baahi weyn u qabto mustaqbalka dhow sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha bulshada dhexdeeda ka jira ee sababa tahriibka dhalinyarada.

Waxa ay si gaar ah u calaamadisay cawaaqib-xumooyinka aan lagu xisaabtamin ee ay arrintan ku yeeshaan Qorbejoogga dalka ku soo laabanaya oo ay xustay in hab-dhaqankoodu dhalinyarada ku dhiirri-geliyo tahriibka.

“Waxay (Qurbejooggu) sameeyaan sheeko odhanaysa haddii aad dhoofto oo haddana dib u soo noqoto, waxaad helaysaa fursad,” waxa ay Nimco sidaas u sheegtay Wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN, iyadoo taas ku micnaysay in qurbejooggu ay la yimaaddaan xirfado luuqadeed iyo baasaboorro Ajaanib ah, taas oo u suurta-galisa inay ku guulaystaan shaqooyinka Dowladda iyo Ururrada Maxalliga ah, kuwaas oo loo yaqaanno inay ka mid yihiin shaqooyinka ugu mushaharka badan.

In kasta oo taageerada dhaqaale ee qurbejoogga qoysaskooda biilka u soo dira iyo kuwa maalgeshiga ganacsi dalka gudihiisa ka sameeyaa ay muhiimad weyn ugu fadhiyaan Koboca dhaqaale ee Somaliland, haddana sida ay IRIN u sheegtay, waxa ay Nimco Cali ka wer-wersantahay inay qurbejooggu saamayn ku yeesheen isla markaana ay abuurayaan dabaqado bulsho oo keenaysa in tix-gelinta iyo karaamada qofka lagu qiimeeyo inuu yahay Qof haysta laba baasaboor oo ah dalkiisa hooyo iyo waddanka uu dhalashadiisa haysto.

“Way fiican tahay in Qurbejoogga loo aqoonsado kaalinta muhiimka ah ee ay ku jiraan, laakiin waxa nagu waajib ah inaanu ka feejignaano farriinta aanu u gudbinayno da’yartayada. Waxa loo baahan yahay in la xaqiijiyo in qurbejooggu waxtaraan dadkooda, balse aanay dhalan-geddiyin dedaallada ay dadka gudaha ku sugan samaynayaan.”

Balse sida warbixinta lagu sheegay, waxa jirta aragti kale oo odhanaysa in go’doonka Somaliland kaga jirto beesha caalamka maadaama aanay aqoonsi haysan, ay sababtay inay dadku tahriibaan maadaama aanay jirin safaarado ku yaala dalka oo muwaadiniinta u fududeeya dhoofka dibadda marka laga reebo dalka Itoobiya oo xafiis dibloomasiyadeed ku leh caasimadda Hargeysa.

Madaxa Waaxda Siyaasadda, Xidhiidhka Saxaafadda iyo warfaafinta ee Ergada Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mr Tom Vens oo u warramay IRIN, ayaa ku dooday in Aqoonsi la’aanta Somaliland tahay sababta ugu weyn ee sii kordhinaysa tahriibka.

Sidoo kale, warbixinta IRIN waxa lagu soo qaatay xog-warran ay la yeesheen Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo tirada dadka biil-walba ka tahriiba dalka, badankooduna dhalinyaro yihiin ay ugu badnaan gaadhayso 300 qof, iyagoo isku halleynaya shabakad wax tahriibisa oo sii dhexmarisa dalalka Itoobiya, Suudaan ilaa dalka Liibiya oo ah marinka looga gudbo dalalka Yurub.

@Himilo Newspaper

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories