HomeSomaliland: Waan-waan Maxalli ahi ma keeni kartaa xal-u-helidda Xaaladda Siyaasadeed?

Somaliland: Waan-waan Maxalli ahi ma keeni kartaa xal-u-helidda Xaaladda Siyaasadeed?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Inkastoo shaqsiyan aan bogaadinayo ergooyinka isxilqaamay ee Salaadiinta iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ah ee aqbalay ee dibadbaxyadiina hakiyay labada ba, haddana uma arko in dedaalo gudaha ahi xal degdeg ah ka keeni karaan xaaladda siyaasaddeed ee cakiran, sababo jira dartood.

Qof ahaan, waxaan ka mid ahay dadka jecel ama xalka maxaliga u arka inuu ka wanaagsan yahay mid dibaddeed, waayo sawir umaddeed oo wanaagsan baa ku jira in waxkastoo yimaada si maxali ah loo xaliyo, sidii inbadan oo hore lagu soo badbaaday. Si kale haddaan u dhigo, haddii la helayo xal aynu dhexdeena gaadhno dal ahaan, ma jirto sabab kale oo loo jeclaan karo mid cid kale oo dibaddeed soo dhiraandhirisay.

Laakiin, waxa taas dhinac taala, haddii xalka dibaddeed uu yahay mid ay maslaxad caam ahi ku jirto, ma jirto sabab indhaha looga lalin karo ama dhegaha looga furaysan karo. Waxaan la hurayn, horaa loo yeelaa bay Soomaalidu tidhaahdaa.

Sababaha aan u arko inay adkaynayaan xal maxali ah, waxa ka mid ah:

  • In ay aad u liidato qanaacadda u dhexaysa labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo.
  • In xaaladda jirtaa ka duwan tahay waqtiyadii hore ee muranada siyaasaddeed la soo derseen SL, sababtoo ah hadda waxa aad u sareysa kala-qaybsanaanta bulshada (taasoo ugu yaraan lixdii sannadood ee u dambeeyay ba soo jirtay, siina kordhaysay, imikana figta sare gaadhay). Nasiibdaro, tani waxay meesha ka saartay in la helo cid ‘dhexdhexaad’ ah oo si dhiiran oo kalsooni leh labada dhinac wax u kala odhan karta. Waa sababta ay kaga duwan tahay muranadii siyaasaddeed ee hore — tusaale ahaan 2007—2009 la soo maray. In cidda dhexdhexaadin gelaysa ay marka hore dhinacyada la dhexdhexaadinayaa ay ‘dhexdhexaadnimo siyaasaddeed’ ku tuhmayaan, waxay fududayn kartaa xal-u-helida.
  • Murankani kama cusla kuwii hore ama la soo maray, laakiin duruufta ayaa aad uga bedelan waqtiyadii hore. Si kale haddaan u dhigo, shaqsiyaadku way ka duwan yihiin kuwii uu hore xalku gacantooda ugu jiray, gaar ahaan na hoggaanka qaranka oo ficiltan iyo talomaroorsi lala xidhiidhinayo.
  • Waxa aad u sareysa dagaalka shaqsiyaysan iyo hiirtaanyada/xurgufta siyaasaddeed ee u dhexaysa hoggaamiyeyaasha qaarkood oo ah kuwa ay taladu ka go’ayso (taasoo ah nasiibdaro kale oo laga baaqsan karayay). Tani waxay saamayn taban ku leedahay wadahadal dhexdoodu ay xal ku dhalin karaan.
  • Waxay u muuqataa inay kooban tahay inta ay daacad ka yihiin ama ku calool-adag yihiin xal dhexdooda ka yimaada oo aan cid kale soo dhiraandhirin ama ugu yaraan dhinac saddexaad ah oo awood lihi damaanad la isku halayn karo duldhigin. Tan baa u yeedhaysa baahi loo qabo wax la mid ah ‘6dii qodob’ ee heshiis ahaan daneeyayaasha dibedda oo ay Itoobiya iyo UK calanka u sideen ay dhex dhigeen hoggaamiyeyaashii siyaasadda SL ee khilaafku u dhexeeyay sannadkii 2009. Heshiiskaas oo la saxeexay October 2009, waxa uu suurtogeliyay doorashadii Juun 2010. Waa lagu soo badhaadhay, sababtoo ah dhinaca wax tirsanayay, waxay heleen damaanad dhinac saddexaad ah oo danaynaya fulinta heshiiska iyo geeddi-socodkiisa.
  • Waxa jira qadafyo afka ah iyo weedho xanaf leh oo labada dhinac ba isticmaaleen muddooyinkii u dambeeyay. Waxa ka mid ah ‘eedaymaha iyo dacaayaddaha qaarkood lagu xidhiidhiyay inay u janjeedhaan Xamar, ku-lug-lahaanshaha dirirtii 1994 iyo kala sheegashada magaalada Hargeysa’ iyo kuwo kale oo nuxur ahaan la mid ah.Maxay kula tahay adiga? Bal iskuday qodobo kale oo aad u aragto inay adkaynaya xal maxali ah oo degdeg ah. Ma jiraan qodobo aad u aragto inay sahlayaan fursado ay dedaalo gudaha ahi ku suurtogelin karaan xal degdeg ah oo la isla ogolyahay?
    Mar walba wanaag baynu u rejaynaynaa cid kastoo danaynaysa inay xal maxali ah qayb ka noqoto.

 

Barkhad Daahir Ismaaciil

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories