HomeSomaliland: Tirada Suxufiyiin lagu xidhay Hargeysa iyo Sababta

Somaliland: Tirada Suxufiyiin lagu xidhay Hargeysa iyo Sababta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa ayaa xabsiga u taxaabay Koox wariyeyaal ah oo ka howl-gelayey Telefishanka Eryal xaruntiisa Magaalada Hargeysa, xilli ay maanta war ka duubayeen goob uu ka socday Imtixaan laga qaaday Dad shaqaale loo qaadanayo, sida ay sheegeen dad goob-joogeyaal ah.

 

Suxufiyiintan oo kala ah Badri Kosar, Cabdiraxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo sawirqaade Kamaal Cabdi ayaa isla markii la qabtayba loo dhaadhiciyey Saldhiga Ibraahim Kood-buur, halkaasoo lagu xidhay.

 

blank

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee Dawladda oo la xidhiidha sababta loo xidhay suxufiyiintan, hase ahaatee Guddoomiyaha Telefishanka Eryal Aadan Caydiid Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howl-wadeenada la qabtay iyagoo ku gudo jira shaqo-maalmeedkoodii caadiga ahaa.

 

Waxa uu intaasi raaciyey in Maamulka Telefishanka iyo eheladoodaba loo diiday inay Saldhiga ku booqdaan Wariyeyaasha, wax dambi ah oo ay geysteena aanu jirin, laakiinse xadhiggoodu qayb ka yahay tacadiyada ay Dawladdu ku hayso warbaahinta.

 

Warar madaxbanaan oo ku saabsan xadhiga Wariyeyaashan ayaa sheegaya in ay war ka duubeen dhalinyaro kamida Shaqo-qaran oo ka cabanayey arrimo la xidhiidha Imtixaan loo gelayo shaqaale ay qaadanayso Shirkad Ajaanib ah.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories