HomeSOMALILAND: Tirada Shaqaalaha Mushaharka laga joojiyey, kuwo baadhis lagu wado iyo Farqiga...

SOMALILAND: Tirada Shaqaalaha Mushaharka laga joojiyey, kuwo baadhis lagu wado iyo Farqiga ka soo baxay Tirada Diiwaanka Shaqaalaha Dowladda Tirakoobka kaddib

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa maanta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Ku Wareejisay  1,252 Boosas shaqo oo la waayey dadkii Ku Mushaharka qaadanayay oo Hore Ugu Jiray Jadwalka Mushahar Bixinta, kaddib markii tira-koob lagu sameeyey shaqaale-weynaha dowladda.

GEELE_YUSSUFHay’adda Shaqaaluhu waxa kale oo ay halkaas ka shaacisay tirada guud ee Shaqaalaha dowladda ee sida rasmiga loo diiwaangeliyey, kana soo baxay shuruudihii looga baahnaa, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 14,057 qof.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Dowladda Sharmaarke Geelle oo ka hadlayey kulan dhexmaray wasiirka maaliyadda, waxa uu halkaas ka sheegay in tirada Guud ee Diiwaanka Shaqaalaha dowladda ku-mushaharka qaadan jiray tirakoobka ka hor ay ahayd 16,533 qof, isla markaana tiro dhan 2,476 qof oo baadhis iyo isku-shaandheyn lagu sameynayey muddooyinkii u dambeeyey laga soo dhex-saaray tirada boosaska shaqo ee dadkii ku qornaa la waayey.

“Waxa Maanta Wejigii 1-Aad Si Rasmi Ah Loo Joojiyay 1,252 Kaalmo Shaqo Oo Dadkii Ku Mushaharka Qaadanayay Lagu Soo Waayay Diiwaangelintii Dhawaan Ay Samaysay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu Kuwaas Oo Hore Ugu Jiray Jad-Walka Mushahar Bixinta…” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Sharmarke Geelle.

“Waxaa raq iyo ruux loo soo waayey baadhid dheer kadib tiro dhan 1,252 halkaas oo  aanu maanta ku wareejinay magacdooda iyo darajooyinkooda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda kuwaas oo   isla  saaka si rasmi ah loo joojiyey mushahar iyo gunno wixii u qornaa,” sidaas ayuu yidhi Mr Geelle.

Sida uu sheegay Guddoomiye Sharmaarke Geelle, Shaqaalaha kale ee dhiman oo tiradoodu  dhan tahay 1,224 ayaa iyagana maalmaha soo socda la-gudo gali doonaa hubintooda isla markaana go’aamo laga soo bixi doona. Shaqaalahan ayaa loo kala saaray sidan:

1- Dhimasho 172

2- Dhul-yaal: 132

3- Waxbarasho: 87

4- Fasax Caafimaad: 69

5- Dad maqnaa xiligii diiwaangelinta iyo kuwo dood magac ka qaldan u socoto kuwaas oo tiradoodu tahay 764.

“Maalmaha soo socda waxa aanu soo gudbin doonnaa inta tiradan dhab ka noqota iyo inta wajiga 2aad  iyagana laga tirtiri doono liiska mushahar qaadashada,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Sharmaarke.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Isla marka la dhameeyo wejiga ugu dambeeya ee kala shaandhaynta, waxa la soo saari donaa hannaanka hufan ee kaalmahaa shaqo loogu buuxin doono iyo fursadaha shaqo ee dhalinyarada dalku ka heli doonaan dib-u-habayntan halka shaqaalaaha dawladdana loo bilaabi doonno tayayn iyo horumarin.”

Dhinaciisa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaa Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa ku ammaanay hay’adda Shaqaalaha Dowladda natiijada ka soo baxday diiwaangelinta oo uu sheegay in guul laga gaadhay, waxaanu xusay xusay inay si degdeg ah uga saari doonaaan liiska mushahar bixinta tirada dadka loo gudbiyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories