HomeSomaliland: Tirada Saraakiisha la dallacsiiyey iyo Wadarta Derajooyinka la Bixiyey

Somaliland: Tirada Saraakiisha la dallacsiiyey iyo Wadarta Derajooyinka la Bixiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Asluubta ee Somaliland, waxa maanta ku qabsoontay munaasibad Darajooyinka loogu xidhay saraakiil ka tirsan ciidankaas oo madaxweynaha Somaliland dalacsiiyey dhawaan.

Saraakiisha la Dallacsiiyey oo wadarta tiradoodu lagu sheegay in ka badan 400, waxa munaasibadda darajooyinka loogu xidhayey goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Md Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyhaha Ciidanka Asluubta Sarreeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax).

blankSaraakiisha iyo ku-xigeennada Ciidanka Asluubta ee la dallacsiiyey, waxa darajooyinka ku tolay Taliyaha Ciidanka Asluubta, waxaanay ka kooban yihiin 32 Sarkaal oo 11 ka mid ahi u dallaceen derjada Gaashaanle Sare halka 21 Sarkaal oo kalena u dallaceen Gaashaanle Dhexe.

Sidoo kale, waxa derjooyinka lagu taxay 384 saraakiil xigeenno ah oo la dallacsiiyey.

Wadarta Guud ee Saraakiisha iyo Saraakiil ku-xigeennada Ciidanka Asluubta Somaliland ee la dallacsiiyey, ayaa tiradoodu noqonaysaa 416 sarkaal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidan oo kale u dallacsiiyey saraakiil ka tirsan Ciidammada Booliska iyo Qaranka, waxaana saraakiishan ka mid ah Taliyaha Guud ee Ciidammada Booliska Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo madaxweynuhu u dallacsiiyey Sarreeye Gaas oo ah derajada ugu sarreysa Derajooyinka Ciidammada kala duwan ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories