HomeSOMALILAND: Tirada Liisamada Ganacsi iyo Noocyadooda ee Sannadkan La Bixiyey iyo Qorsheyaasha...

SOMALILAND: Tirada Liisamada Ganacsi iyo Noocyadooda ee Sannadkan La Bixiyey iyo Qorsheyaasha Wasaaradda Ganacsigu u dejisay Soo jiidashada Maalgashadayaasha Caalamiga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Wasaarrada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland, ayaa shaacisay Boqolaal Liisan Ganacsi oo ay sanadkan bixisay iyo inay diyaarinayaan Xeerka Maal-gashiga waddanka oo aan hore u jirin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed Sheekh Cumar Sheekh Xasan, Faahfaahin ka bixiyay qorsheyaal horumarineed oo ay wasaaradu ku hawlantahay inay hir-geliso sanadkan. Arrimahaasoo la doonayo in lagu xoojiyo Waaxda Maal-gashiga ee Wasaaradaasi oo dhawaan lagu kordhiyay, ayaa looga gol-leeyahay si Dalka looga fuliyo Maal-gashiyo heer caalami ah iyo in la tayeeyo Dhaqaalaha dalka , sida uu sheegay Maxamed Sheekh oo shalay Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa.

Somalilandpost News

“Himiladda wasaaraddu higsanayso waa in la horumariyo tayada iyo nolosha dadka, shaqo abuurista iyo in kor loo qaado heerka Nolosha Mawaadiniinta Reer Somaliland, iyadoo la adeegsanayo horumarinta Dhaqaalaha dalka, waayo hadii dhaqaalaha dalka la horumariyo waxa kor u soo kacaya dhaqaalaha dadka. Sidaasi darteedWasaaradda Ganacsigu waxay abuuraysaa Jawi Dhaqaale abuuriseed oo dheeli tiran, kaasoo dhimaya Faqriga, waana u abuurista Bulshada ee fursaddo shaqo, iyadoo la dhiiri gelinayo Ganacsiga waddaga ah iyo kan gaarka loo leeyahay” ayuu yidhi Maxamed Sheekh Cumar.

Agaasimuhu isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu Sharaxaad ka bixiyay tiradda Liisamada Ganacsi ee ay sanadkan wasaaradu bixisay “Wasaaraddu sanadkan waxay Goobaha Shaqada ee ganacsiga gaadhsiisay ilaa 700 oo Buug oo loogu talo-galay Ganacsiga la soo dejiyo, waxa kale oo xarumaha wax laga dhoofiyo aanu gaadhsiinay ilaa todobaadkan Form oo aanu Ilaa Saylac geynay. Liisamada laga bixiyay wasaarradu waxay u kala baxaan, Liisamada wax soosaarka wershadaha oo aanu bixinay ilaa toban Liisan, Liisamada adeega ilaa Lixdanbaanu bixinay, liisamada Wakiilnimada Gaadiidka Badda ilaa 16, Liisanka Adeega isaga wuxuu noqonayaa ilaa 13 Liisan, Liisanka dhoofinta ilaa 30, Liiskan soo dejinta Shidaalka ilaa 3 liisan ayaanu bixinay, Liisanka Jumladaha 65 Lixdan ayaanu bixinay, Liisamada Xawaaladaha 6, Liisamada Caymiska 1,liisanka soo dejinta iyo dhoofinta ilaa 111Liisanbaanu bixinay. Waxa kale oo Wasaaraddu samaysay si kor loogu qaado aqoonta Shaqaalaha lix qof oo Heer Jamacadeed ah ayaanu dirnay” ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda ganacsiga ayaa sidoo kale shaaciyay inay diyaarinayaan sharciyadii Maal-gashiga Waddanka “Wasiirka Wasaarradu wuxuu sameeyay Dedaal balaadhan, waxaanu ku soo xidhay Maal-gashadeyaal badan oo ajaanib ah, markaa iminka waxaanu diyaarinaynaa Sharcigii Maal-gashiga oo aanu gacanta ku haynaa, waxa kale oo aanu wadnaa dhamaan waxyaabaha kale ee aynu ku soo jiidan karno Maal-gashadeyaasha”ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi raaciyay “Markaa waaxda Maal-gashiga waa la dhisay, agaasime ayaa loo magacaabay, shaqaalihii ka shaqayn lahaa ayaa la magacaabay, waxaanay maraysaa marxalad wanaagsan”.

Somalilandpost.net

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories