HomeSomaliland: Tirada Kiisaska iyo Dadka u dhintay Cudurka Covid-19 oo Korodhay iyo...

Somaliland: Tirada Kiisaska iyo Dadka u dhintay Cudurka Covid-19 oo Korodhay iyo Xogtii u dambaysay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa xaqiijiyey Saddex kiis oo cusub oo laga helay Cudurka Covid-19, kuwaas oo uu ku jiro hal Qof maanta u geeriyooday xannuunkan.

blankDr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta saxaafadda kula hadlay Kulanka maalinlaha ah ee xogta xannuunka, Waxa uu sheegay in qofkii labaad uu gudaha Somaliland ugu geeriyooday cudurka Covid-19, gaar ahaan magaalada Hargeysa. Qofka 1aad ayaa todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Boorama.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa kale oo uu sheegay inay korodhay tirada dadka la karantiilay ee looga shakiyey caabuqa Coronavirus, iyadoo tirada dadka haatan karantiinka ku jira yihiin Lix iyo Toban Qof.

Waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Saddexda qof ee kusoo kordhay kiisaska laga helay Fayraska Covid-19 lagu baadhay mashiinka Sheybaadhka Xannuunkan oo ay dhawaan dalka keentay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, kaas oo ku-shaqayntiisa si toos loo bilaabay, kaddib cillad-farsamo oo ku timi markii dalka la keenay.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Agaasimaha Guud

 

 

Guud ahaan Somaliland, kiisaska la xaqiijiyey, ayaa haatan maraya 12 Qof oo badankoodu ku nool yihiin magaalada Hargeysa, waxaana xannuunka ka bogasaday 3 qof, sida ku xusan website u gaar ah xogta Cudurka Covid-19 ee Somaliland oo dhawaan ay hirgeliyeen ardayda wax ka barata kuliyadda IT-ga ee Jaamacadda AbaarsoTech, kaas oo lagu wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories