HomeSomaliland: Tirada Kiisaska Coronavirus oo Kor u dhaaftay 200 Qof iyo Dhimashada...

Somaliland: Tirada Kiisaska Coronavirus oo Kor u dhaaftay 200 Qof iyo Dhimashada oo Korodhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Tirada dadka laga helay xannuunka Covid-19 ee Somaliland, ayaa kor u dhaaftay 200 qof, kaddib markii baadhitaan caafimaad oo wasaaradda Caafimaadku samaysay lagu xaqiijiyey 35 kiis oo cusub oo xannuunkan ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta warbaahinta la wadaagay warbixinta maalinlaha ah ee Cudurka Covid-19, ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeye 90 qof oo baadhintaan lagu sameeyey 35 ka mid ah laga helay Caabuqa Coronavirus ee dhaliya cudurka Covid-19.

Dr Xergeeye waxa uu sheegay in tiradan cusub ee la xaqiijiyey ay ka dhigayso wadarta guud 203 qof guud ahaan Somaliland iyo hal qof oo xannuunka u geeriyooday 24-kii saac ee u dambaysay, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 15 qof.

Ma jiraan dad xannuunku soo ritay oo xaaladdooda caafimaad laga deyriyey, sida warbixinta wasaaradda ku xusan, haseyeeshee, waxa xannuunka ka soo kabtay 19 qof oo ka mid ah tirada Guud ee Dadka xannuunka laga helay, halka 15 qof u dhinteen, taas oo tirada kiisaska xaaladdoodu taagan tahay (Active Cases) ka dhigaysa 169 Qof.

Sida ku xusan Warbixinta Wasaaradda, Dadka baadhitaanka lagu sameeyey oo markii ay isku arkeen ama isaga shakiyeen astaamaha xannuunka iska xaadiriyey cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa ah 921 Qof oo 203 laga helay xannuunka, taas oo cel-celis ahaan noqonaysa in Boqolkiiba 22% dadka baadhitaanka lagu sameeyey xannuunka laga helay.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories