HomeSomaliland: Tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 & Kuwa u dhintay oo...

Somaliland: Tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 & Kuwa u dhintay oo Korodhay iyo Xogo Dheeraad ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, ayaa maanta shaacisay Kiisas cusub caabuqa Coronavirus ah oo laga helay muwaadiniin intooda badani ku nool yihiin magaalada Hargeysa.

blankAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Warbixinta maalinlaha ah ee Xaaladda Xannuunka la wadaagay warbaahinta, waxa uu sheegay in baadhitaanno ay hawl-wadeennada Caafimaadku ku sameeyeen 110 Qof oo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa u tagay in laga baadho cudurka oo ay isaga shakiyeen laga helay 29 ka mid ah oo isugu jira 23 haween ah iyo Lix haween ah.

Agaasimaha Guud waxa u sheegay in 24 Qof oo ka mid ah Dadkaasi ku nool yihiin Magaalada Hargeysa, halka 5-ta kalena ay deggan yihiin Magaalada Burco. Dadkan ayaa da’doodu u dhaxaysaa 20-jir ilaa 90 jir. Waxa kale oo Agaasimuhu sheegay in Shan Qof ka bogsadeen Xannuunka.

Agaasime Xergeeye waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id ku sheegay in hal Qof oo Dumar ah magaalada Hargeysa ugu geeriyootay Xanuunka Covid-19, taas oo tirada Dadka Xanuunku u dhintay ka dhigaysa 19 Qof.

Guud ahaan Dalka Somaliland, tirada dadka laga helay Cudurka Covid-19, ayaa gaadhay 286 qof oo 33 ka mid ahi ka bogsadeen xannuunka.

Tirada Guud ee dadka goobaha Caafimaadka u tagay baadhitaanka Xannuunka ayaa ah 1192 Qof oo 286 ka mid ahi laga helay, taas oo cel-celis ahaan noqonaysa in Boqolkiiba 24% dadka la baadhay laga helay xannuunka.

Tiradan ayaa muujinaysa inuu jiro Kor-u-kac ku yimi tirada kiisaska Cusub ee caabuqa Coronavirus marka loo eego tirada dadka la baadhayo iyo inta xannuunka laga helayo, iyadoo warbixinihii laga soo saarayey todobaadkii u dambeeyey ay tirada boqolleyda ee dadka la baadhay iyo kuwa laga helay maraysay 23.5% cel-celis ahaan.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories