HomeSOMALILAND: Tirada Codbixiyeyaasha Degmooyinka iyo Gobollada dalka ee Doorashada Madaxtooyada 26 June...

SOMALILAND: Tirada Codbixiyeyaasha Degmooyinka iyo Gobollada dalka ee Doorashada Madaxtooyada 26 June 2010

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Halkan waxa aanu ugu gudbinaynaa tirada codbixiyayaasha dorashada Somaliland ee gobol iyo degmo kastaa ka helay natiijada Komishanka Doorashooyinku soo saaray ee dadweynaha codkooda ka dhiiban doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto Sabtida toddobaadkan soo socda.
Xogtan oo u shaxaysan gobol gobol iyo degmo ee dalka oo dhan, isla markaana salka ku haysa natiijada ka soo baxday dadka qaatay kaadhadhka cusub ee codkooda ka dhiiban doona doorashada, ayaa waxa ka muuqda farqi u dhexeeya natiijadii diiwaangelintii codbixiyayaasha ee hore u kala heleen gobolladu.
Natiijada rasmiga ah ee codbixiyayaasha ka qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada Somaliland oo u kala shaxaysan lixda gobol ee dalka iyo degmooyinka hoos yimaada, waxay u dhigan tahay sidan:
Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa = 231,875 (laba boqol iyo kow iyo soddon kun, siddeed boqol iyo shan iyo toddobaatan)
Gabiley = 87,357 (toddoba iyo siddeetan kun, saddex boqol iyo toddoba iyo konton)
Balligubadle = 18,720 (siddeed iyo toban kun, toddoba boqol iyo labaatan)
Sallaxlay = 23,547 (saddex iyo labaatan kun, shan boqol iyo toddoba iyo afartan)

Isugayn: 361,499 (saddex boqol iyo kow iyo lixdan kun, afar boqol iyo sagaal iyo sagaashan).
Gobolka Togdheer

Burco = 178,612 (boqol iyo toddoba iyo siddeetan kun, lix boqol iyo laba iyo toban)
Buhodle = 15,511 (shan iyo toban kun, shan boqol iyo kow iyo toban)
Oodweyne  = 49,097 (sagaal iyo afartan kun iyo toddoba iyo sagaashan) .

Isugayn: 243,220 (laba boqol iyo saddex iyo afartan kun, laba boqol iyo labaatan)
Gobolka Awdal 

Baki = 24,772 (afar iyo labaatan kun, toddoba boqol iyo laba iyo toddobaatan)
Lughaya = 12,894 (laba iyo toban kun, siddeed boqol iyo afar iyo sagaashan)
Saylac = 26,070 (lix iyo labaatan kun iyo toddobaatan)
Boorama = 113180 (boqol iyo saddex iyo toban kun, boqol iyo siddeetan)

Isugayn: 176,916 (boqol iyo lix iyo toddobaatan kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban kun).

Gobolka SOOL

Caynaba = 49,923 (sagaal iyo afartan kun, sagaal boqol iyo saddex iyo labaatan)
Lascanod = 43,050 (saddex iyo afartan kun iyo konton)
Xudun = 5,340 (shan kun, saddex boqol iyo afartan)

Isugayn: 98,313 (siddeed iyo sagaashan kun, saddex boqol iyo saddex iyo toban)
 Gobolka Sanaag 

Badhan = 8,350 (siddeed kun, saddex boqol iyo konton)
Celafweyn  = 34,916 (afar iyo soddon kun, sagaal boqol iyo lix iyo toban)
Ceerigaabo = 74,462 (afar iyo toddobaatan kun, afar boqol iyo laba iyo lixdan)
Dhahar = 7,791 (toddoba kun, toddoba qobol iyo kow iyo sagaashan)
Gar-adag = 20,850 (labaatan kun, siddeed boqol iyo konton)

Isugayn: 146,369 (boqol iyo lix iyo afartan kun, saddex boqol iyo sagaal iyo lixdan).
Gobolka Saaxil

Berbera = 30,958 (soddon kun, sagaal boqol iyo siddeed iyo kotan)
Sheekh = 12,138 (laba iyo toban kun, boqol iyo siddeed iyo sodon)

Isugayn: 43096 (saddex iyo afartan kun iyo lix iyo sagaashan) .
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories