HomeSomaliland Tashataye Allahayow Gargaar

Somaliland Tashataye Allahayow Gargaar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank80 sannadood oo gumaysi calami ah xornimadii laga qaatay ee loo huray, walaal waraabe horor ah nagu noqday; tobankii sannadood ee ka dambeeyey ee na laga xarimmay dhammaan xuquuqdii is-raac lahaa, 20-kii ku xigay ee cadaadis, gumaad iyo burbur aynu ka dhaxalnay, waxa dhammaan heeryadii na saarnayd aan iskaga rognay halgankii shacbi ee hubaysnaa.

Xoriyaddii iyo madax-bannaanidii halgankii lagu soo ceshaday, laguna dhawaaqay gooni isu-taagga qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa 18kii May loo dabbaal-degay sannad-guuradii 30-aad ee maalintii la mahadiyey.

Shacbiga Somaliland meel kasta oo uu dunidda ka joogo, waxa uu u dabbaal-degay sannadkan, iyadoo aan wali ka helin dunidda aqoonsiga ay xaqa ay u leedahay. Kaalmo horumarineed oo ay duniddu siiso muddadaas way ka qatanayd, hase ahaatee xidhiidhka caalamka ay la leedahay maalinba ta ka dambeysa wuu soo korayey.

Maalintan 18ka May, waxa la xusay iyadoo xidhiidhka bulsho, dan-wanaagga ka dhexeeya shacbigu uu kordhayo, danta guud ee ka dhexaysa iyo ilaalinta midnimadu ay gaadhsiisan tahay heerka ugu sareeya ee qaran laga filayo.

Sannadkan waxa mashaariicda horumar iyo kaabeyaasha dhaqaale uu si weyn u kordhay; maalgashi shisheeye oo middabyo kala duwan lagu helay, iyo dekedda Berbera ee casriyeysan oo la furi doono bilaha soo socda, ayaa farxad gaar ah maalintan u yeelay.

Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland iyadoo aan kaalmo dibadeed helin waxa lagu rajo weyn yahay, waddada Ceerigaabo oo shilin shisheeye aanu gelin in sannadkan la dhammaystiri doono. Fulinta waajibaadka bulsho waxa u astaan ah tirada haweenka murrashaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada dalka, ayaa markhaati ka ah, waxaana taariikhda dunida ay Somaliland ku geli doontaa dhiirigelinta iyo gacan qabashada haweenka ay siisay.

Shacbiga Somaliland meel kasta oo uu joogo wuxuu maalintan muujiyey qaddarinta iyo qiimaha qaranimada iyo xornimadu u leedahay.

Aragtida waa lagu kala duwanaan karaa, hase ahaatee sida maalintan loogu dabbaal-degay waxay muujinaysaa, in shacbiga Somaliland uu wax kastaba diyaar u yahay inuu u huro xoriyadda, nolosha xorta ah, midnimada, horumarka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu haysto.

Qof kasta oo u dhashay Somaliland, meel kasta oo uu dunida kaga nool yahay waxa waajib ku ah inuu kaalintiisa ka qaato sidii loo xaqiijin lahaa hadafka ugu weyn ee ummaddu leedahay.

Waxaan soo xiganaynaa ereyadii Edna Aadan ee Af Ingiriisiga ku qornaa oo macnaheedu yahay “Marnaba ha dhayalsanina awoodda aadamaha marka uu go’aansado inuu wax qabsado.” Ilaahayoow Somaliland tashataye wax la qabo.

By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories