HomeSomaliland: Tallaalka Covid-19 oo Dalka ku soo fool leh iyo Dadka ugu...

Somaliland: Tallaalka Covid-19 oo Dalka ku soo fool leh iyo Dadka ugu horreeya ee Wejiga kowaad la siinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Tallaalka xannuunka Covid-19 oo loo qoondeeyey Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la filayaa inuu dhawaan soo gaadho dalka, iyadoo qaybtii u horeysay ee tallaalkaasi soo gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa sheegay in tallaalka Covid-19 ee loogu talo galay Somaliland ay qaybtiisi hore soo gaadhay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, dhawaanna uu dalka iman doono.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland
Wasiirka Caafimaadka Somaliland

Wasiirka Horumarinta Caafimaadka ayaa hadalkan ka sheegay shir-hawleed uu kaga qayb-galay magaalada Boorama, kaas oo lagu dar-dargelinayey hawlaha Caafimaadka ee gobolka Awdal.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in marka tallaalkaasi soo gaadho Somaliland lagu bilaabi doono shaqaalaha caafimaadka, ciidamada Booliska iyo laanta socdaalka, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin hawl-wadeennada qaranka ee safka hore kaga jira la-dagaalanka xanuunka Covid-19.

Wasiir Cumar Cali Cabdilaahi waxa kale oo uu sheegay in tallaalka qaybtiisa labaad ay qaadan doonaan ama la talaali doono dadka da’doodu ka weyn tahay 60 sanno ama kuwooda xannuuno kale la daalaa dhacaya.

Dhinaca kale, waxa kulankaas ka hadlay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee caafimaadka, kuwaas oo ka warbixiyey xaaladda adeegyada caafimaad ee ay bulshada u hayaan.

Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Degmada Boorama Dr Aadan Ibraahin Liibaan oo halkaas ka hadlay, waxa uu  ayaa ka waramay arrimaha caafimaadka ee cisbitaalka, wuxuuna xusay in lagu kordhiyay cisbitaalkaasi laba iyo toban qol waadhadhka cisbitaalka, lana diyaariyay goobtii la dhigi lahaa mashiinka kelyaha sifeeya.

Isu-duwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Awdal Dr Mustafe Muumin Muuse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maamulka caafimaadka ee gobolku ay ku hawlan yihiin olole wecyi gelineed oo ku saabsan xakamaynta xanuunka Covid-19 oo ay ka wadaan degmooyinka kala duwan ee ku teedsan xuduudaha badda iyo berriga ee gobolka Awdal.

Mas’uuliyiinta gobolka Awdal ee hay’adaha WHO iyo HPA ayaa iyaguna sheegay in wasaaradda caafimaadka iyo hawl wadeennada gobolka Awdal ay gacan ka siiyaan sidii loo xakamayn lahaa xanuunkaasi, iyaga oo sheegay in agab kala duwan oo xanuunkaas lagu xakamaynayo ay gaadhsiiyeen deegaanno ka tirsan gobolka Awdal.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories