HomeSomaliland: Taliska Booliska & Xukuumadda oo Soo Bandhigay Bakhtiga Xuur Oog ilaa...

Somaliland: Taliska Booliska & Xukuumadda oo Soo Bandhigay Bakhtiga Xuur Oog ilaa Hargeysa la soo waday oo lagu Sheegay Gorgorka Dadka Cunay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Taliska Ciidanka Booliska Somaliland oo uu weheliyo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Warbaahinta qaarkeed u soo bandhigay Xuur ay ku sheegeen Gorgor-weynihii Dadka ku cunay deegaanno ka tirsan Bariga Itoobiya iyo Koonfurta Somaliland.

Sawirrada Xawayaanka Dadka cunay, qaarna dhaawacay ee deegaannada Somaliland iyo Itoobiya lagu dilay iyo siday uga duwan yihiin Shimbirta Taliska Booliska Jimcihii maanta lagu soo bandhigay ee lugaha dhuudhuuban kaga bogo sawirradan hoose.

Xawayaankan lagu soo bandhigay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Somaliland oo uu Askari ka tirsan Boolisku ku dilay deegaanka Oog, ka dib markii sida uu sheegay Shimbirtan duulaaga ahi weerartay isaga. Hase-yeeshee, waxay u eegtay Xuur caadi ah, isla markaana uma eka Xawayaanka Gorgor-weynaha doolka ah lagu sheegay oo ka waawayn Gorgorkii hore dalka loogu yaqaannay amma u joogi jiray.

blankInkasta oo aan Shimbirtan Oog illaa Hargeysa la soo siday muuqaal ahaan iyo awood ahaan la mid ahayn Xawayaanka Dadka cunayey ee deegaannada qaar lagu soo bandhigayey ee ay ka awood liidato, kana muuqaal duwan tahay, haddana waxa la soo gaadhsiiyey Hargeysa Jimcihii, iyagoo Taliska Booliska iyo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Saxaafadda u soo bandhigeen Shimbirtaas.

Walow oo aanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiisha Boolisku toona la hadal Warbaahinta loo soo bandhigay Muuqaalka Shimbirkan Hargeysa la keenay, balse Ninka degmada Oog ku dilay Shimbirkan oo la yidhaahdo Maxamuud Cawil Cali oo ka hor Hargeysa Ciidanka Oog ay soo bandhigeen shalay, ayaa Hargeysana kaga warbixiyey sida uu u soo weeraray Shimbirkaasi iyo sida uu u dilay ee Xabbadda ugu dhuftay, tiradaha Shimbiraha wada socday ee tan uu dilay ka midka ahayd iyo waxay gaadhsiisay. Waxaana is-burinaya labada hadal ee Ninkani ka sheegay Caynaba iyo Hargeysa.

Shalay iyo Caynaba:

Maxamuud Cawil Cali oo markii Xuurta caatada ah ee lugaha dhuudhuuban ee uu dilay lagu soo bandhigay magaalada Caynabo warbaahintu wax ka duubtay oo hadlay wuxuu yidhi; “8:30 subaxnimo meelahaas ayey ahayd, dabeedna sidaas ayaan iskaga eegay oo markii ay meel dhaw soo socdeen ayaan arkay inay yihiin wax i weerarsan, dabeedna qori ayaan haystay oo qorigii ayaan ku dhawaaday, meel dhaw markii ay soo socdeen ayaan markaa xabbad ku riday, dabeedna xabbaddii way ku dhacday oo wuu soo dhacay, labada garab ayuu iga soo abbaaray oo halkaas (labada garab) ayuu igaga istaagay, isagoo dhaawac ah, dabeedna fuqa ayaan ku dhegay, qorigiina waan tuuray, dabeetana markaa waannu dagaalannay oo muddo dheer ayaannu is haysanay…..markaa waxa aan soo qaatay dhagax iyo qori xaabo ah, dabeedna kaas ayaan ku garaacay, dee sidaas ayaan bahalkaas ku dilay.”

Maanta iyo Hargeysa!

Ninkaas dhallinyarada ah, waxa uu ka warbixiyey qaabkii uu sheegay inuu u dilay shimbirtan; waxaannu yidhi; “….Ka bacdi waxa aan dareemay guux, waddooyinka ayaan eegay, dabeedna wax baabuur ah oo soo socda waan arki waayey, markaa hawada ayaan eegay oo waxa aan arkay bahalo soo degaya oo ilaa 11 mid ah oo igu soo degaya oo lugaha iyo afka soo laalaadinaya, dabadeed mid ka mid ah ayaa markaa hoos iigu soo degay, qori ayaan sitay oo meel ayuu iigu tiirsanaa, kabacdi waxa aan markaa is idhi; ‘bahalkani waa wixii dadka cuni jiray ee xaga qorigii u kac.’ Dabeed inta aanan qorigii gaadhin ayuu markaa wuxuu igu bilaabay baalashii, dhirbaaxo ayuu igu waalay, dabadeedna aniga oo yar sirinsirqaysan ayaan markaa qorigii gaadhay, qorigii markii aan gacanta midigta la haleeyay ayuu labada garab iskaga kay taagay, markaa gacantaas bidixda ayaan halkaas cudda ayaan qabtay oo waxaan iska ilaaliyey yaannu afkan dheer maskaxda kaaga daloolin…markii uu arkay in aan luqunta ayuu hayo ayuu lugaha igula dagaalamay oo markii uu maryaha iga jeexjeexay… markaas ayaan qorigii haleeyay oo markaas ayaan xabbadda ku dhuftay…”

@AftahanNews

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories