HomeSomaliland: Suxufi Sagaal Saacadood U Xidhnaa Sawir Uu Qaaday

Somaliland: Suxufi Sagaal Saacadood U Xidhnaa Sawir Uu Qaaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blank[H]argeysa (SLpost) – Suxufi ka tirsan Wargeyska Saxafi ayaa maanta muddo sagaal saacadood ah ugu xidhnaa xarunta Laanta Dambi-Baadhista Bileyska (CID) ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu Sawir ka qaaday saddexda masuul ee u xidhan raashin la leexsaday kuwaas oo maanta dacwadooda lagu dhegaysanayay Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Cabdifataax Maxamuud Caydiid, oo ah Guddoomiyaha Shabakadda Warbaahinta ee Saxafi Media Network, ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada ee Bileysku amar ku bixiyay in la qabto, isagoo Suxufigaasi Mobile-ka gacanta ku sawiray saddexda masuul oo wakhtigii nasashada fadhigii maanta lagu dhegaysanayey dacwadooda dibadda u soo baxaya, iyadoo bileysku si aad ah ammaanka u adkeeya isla markaana Saxaafadda dibadda ka dhiga fadhiyada lagu dhegaysanayo dacwada masuuliyiintaas.

Suxufigan ayaa markii uu sawirka qaaday waxa mobile-ka ka dhuftay mid ka mid ah Saraakiisha Bileyska ee Maxkamadda gobolka Hargeysa ku sugnaa, kadib Taliyaha CID-da oo goobta joogay u gacan geliyay Mobile-ka, isagoo Taliyuhuna amar ku siiyay askartiisii inay kexeeyaan Suxufigaas, waxaana abaaro 11: 00 Subaxnimo  loogu qaaday xarunta CID-da gaadhiga taliyaha, halkaas oo uu ku xidhnaa ilaa 8:00 fiidnimo ee caawa.

Suxufigan ayaa la soo daayay kadib markii dedaal ay u galeen soo dayntiisa ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxaanay madaxda Bileysku shuruud uga dhigeen siideynta Suxufigan in Mobile-kiisa uu ka masaxo sawirka uu Maxkamadda horteeda kaga qaaday saddexda masuul ee dacwadooda la dhegaysanayey kuwaas oo kala ah Agaasimihii Guud ee hore ee Dib-u-dejinta Somaliland, Axmed Cilmi Barre, Badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa, Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarji) iyo La-Taliyihii hore ee Madaxweyne ku-xigeenka, Cismaan Siciid Jaamac.

Maaha markii ugu horeysay ee xadhig noocan oo kale ah lagula kaco Suxufiyiinta reer Somaliland sannadkan gudihiisa, balse sida lagu sheegay warbixin uu horraantii bishan soo saaray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, afartii bilood ee ugu horeeyay sannadkan waxay xukuumadda Somaliland xabsiga dhigtay in ka badan konton Suxufi, iyadoo markii ugu horeysay taariikhda Somaliland xabsiga loo taxaabay Haween Suxufiyiin ah, halka markii ugu horeysay taariikhda Somaliland Suxufi lagu jidh-dilay xabsi gudihii, kaas oo xaaladiisu halis gashay dalka dibadiisana loo qaaday si looga soo daweeyo dhaawac-yadii ka soo gaadhay jidh-dilkaas.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories