HomeSomaliland: Siyaasiyiinta iyo Dadka Ladan ee Kufsiyada Geysta oo Xabsiyada laga sii...

Somaliland: Siyaasiyiinta iyo Dadka Ladan ee Kufsiyada Geysta oo Xabsiyada laga sii daayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Komiishanka Xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud ayaa sheegay in Xabsiyada laga siidaayo Dadka ladan, sida Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ku kaca Falalka uu kufsigu ka mid yahay.

Guddoomiye Maxamed Baaruud waxa uu sheegay inay Xabsiyada Somaliland ay ka buuxaan Dad Masaakiin ah oo aan qabsan karin looyarro u dooda, halka laga siidaayo Dadka Hantida haysta iyo Siyaasiyiinta jeebkoodu buuran yahay, arrintaasina tahay Caddaalad-darro si weyn u muuqata.

blank“Waxa la noo soo sheegay Dadka wax kufsada ee Ladan, sida Dad Ganacsatada ah iyo Dad siyaasiyiin ah oo Madax ah in iyadoo Maxkamado Xukumeen oo Kufsi lagu caddeeyay la siidaayo.” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Baaruud oo hadal ka jeediyey Munaasibad Hargeysa lagu qabtay shalay oo lagaga hadlayey Tacadiyada loo geysto Dumarka.

“Maxkamadaheenu waxay xukumaan uun Dadka jilicsan, bal u fiirso Dadka jeelasha inoogu jira, waxa ka buuxa Dad masaakiin ah oo aan looyar loo qabanin, iyaguna qabsan karayn Looyar (u dooda), laakiin Ninkii Ladnaa Looyar buu qabsanayaa, Xildhibaan u ordaya, Wasiir baa u ordaya, Cid walba waxay daba cararraysaa Qofkaa ladan, waalla siidaynayaa oo waxba lagu qaadi maayo,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Komiishanka xuquuqal iinsaanka ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories