HomeSomaliland: Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo laga Shiray

Somaliland: Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta HIV/AIDS oo laga Shiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida heer Qaran ee xakameynta xannuunka HIV/AIDS ee SOLNEC, ayaa magaalada Hargeysa ka daah-furay shir lagu gorfeeyey sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa siyaasada Qaranka ee ku aaddan xannuunkan.

Kulanka waxa ka qayb-galay xubno ka tirsan guddida xakameynta xannuunka HIV/AIDS, masuuliyiin ka socday wasaaraddaha dalka qaarkood, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee hawshan kala shaqeeya, culimaa u-diin iyo marti-sharaf kale.

blankKulankani ayaa muddadii uu socday la isla qaatay sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa siyaasadda dowladda ee ku wejahan xannuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS oo warbixintii u dambaysay ee guddigu soo saartay muujisay inuu sare u kacay heerka uu dalka ka marayo.

Cabdilqaadir Sheekh Xuseen Rabiile kana mida masuuliyiinta guddida xakameynta HIV/AIDS ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada kulankani, waxaanu yidhi, “Sideedaba doorka SOLNEC, waa saddex ujeedo oo waa weyn oo kala ah In dadkii loo hadlo, nidaamkii jiray loo hadlo, islamarkaana loo helo dhaqaale gudo iyo dibadba, albaab kasta loo garaaco.

Hawl aanay guddidu ogeyn lama qaban karo, waxaanay isku duweysa dhammaanba hawlaha socda ee HIV-ga.

In wixii socda si wanaagsan loo maamulo, islamarkaana marka ay wakhti gaadhaba ama sannad ha noqoto, ama lix bilood ha noqoto in la dejiyo qiimeyntii lagu sameyn lahaa.” sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir.

Sidoo kale madaxa cilmi baadhista wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Xasan Cumar Xagaa, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay  dawladd ahaan sidii loo xakameyn lahaa xannuunka HIV/AIDS-ka.

“Markii la bilaabay wax ka qabashada xannuunka HIV/AIDS-ka, dawladdu waxaa ay go’aansatay ‘Siyaasad cad oo ka go’an wax ka qabashada xannuunka, taasina waxaa ay keentay in laga duulo in ciddkasta waxaa ay qabaneyso ay caddaato, taasi oo keenaysa in hay’addaha innaga caawiya xannuunkani,” sidaas ayuu yidhi Xasan Cumar, isagoo intaas ku daray, “Waxyaabaha ugu mihiimsan ee aan imika dareemayo waxaa ka mida haddii ay dawladdii qaadatay door adag oo ah in siyaasad adag laga duulo marka laga hortagayo ama la xakameynayo xannuunkani waxaad mooda in ay dhinac ka dabacsan yihiin hay’adihii caalamiga ahaa ee kaalmada ka geysanayay, taas oo aan qabo in ay dawladdu ku adkeyso, iyaguna ay xoojiyaan wax ka qabashadii,” ayuu yidhi Agaaismuhu.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories