HomeSOMALILAND: Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Mar kale Heshiiyey!! (SAWIRRO)

SOMALILAND: Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo Mar kale Heshiiyey!! (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta kulan laab-xaadhasho ah qasriga Madaxtooyada ku dhex-maray Garabyada xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo u kala qaybsan Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ee uu horjoogaha u yahay Muuse Biixi Cabdi iyo garabka xukuumadda oo madaxweyne Siilaano madax u yahay.

DSC_0098Kulankan maanta dhex-maray xukuumadda iyo hoggaanka Kulmiye oo daba-socda dhex-dhexaadin Golaha Guurtidu isku-soo horfadhiiyey bishii lixaad ee sannadkan, ayaa labada dhinacba ku ku shaaciyeen isu-tanaasul dhinac walba ah iyo inay ka heshiiyeen xurguf-siyaasadeed oo ka bilaabantay loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye iyo murashaxnimada madaxweynaha oo ay isku maan-dhaafeen madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah u shaaciyey inuu u taagan yahay murashaxnimada madaxweynaha ee gudaha xisbiga Kulmiye, arrintaas oo sababtay khilaaf ba’an oo ka dhex-dillaacay xisbiga gudihiisa.

DSC_0101Kulanka maanta madaxtooyada ku dhexmaray hoggaanka Kulmiye iyo garabka xisbiga ee Xukuumadda, waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo dhammaan golaha Wasiirrada, waxaana dhinaca goob-joog ka ahaa ahaa guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka laab-xaadhashada ah ee dhexmaray Siilaanyo iyo Muuse Biixi, ayaa lagu shaaciyey shirka golaha Wasiirrada ee maanta oo Guddoomiyaha Kulmiye lagu marti-qaaday.

DSC_0086“Waxa sharaf inoo ah in guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi uu inala joogo maanta halkan. Waxaan jecelahay inaan idiin sheego inaan guddoomiyaha xisbiga Kulmiye wada heshiinnay, waxa loo baahan yahay inaanu si niyadsami leh u wada-shaqayno xisbi iyo xukuumad ahaanba. Waxaanu ku wada-heshiinnay oo kuwada shaqaynaynaa go’aamadii golaha guurtida ka soo saareen khilaafkii xisbiga. Waxaanu u baahannahay inaanu isku-duubni iyo isku-tiirsanaan xisbi iyo xukuumadba aanu muujinno,” Sidaas waxa yidhi madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey heshiiska dhexmaray Guddoomiyaha Kulmiye oo lagu dhex-shaaciyey Shirkii golaha wasiirrada maanta.

DSC_0053Dhinaca kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay nooca heshiiska lagu soo afjaray khilaafka Kulmiye, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Farriinta aan idiin hayaa waa intaas madaxweynuhu idiin sheegay. Xisbiga waxa soo maray loolan siyaasadeed ayuu galay, marka la loolamo xajiin baa ka dhalata, xanafbaa ka dhalata, waxa loo baahan yahay in xisbigii Xanaftii laga saaro oo laysku soo dhaweeyo,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo farriinta uu jeedinayey u muuqatay mid aanu raalli ka ahayn, isaga oo cannaan dusha ka saaray xubnihii golaha wasiirrada oo madasha fadhiyey oo uu u sibir-saaray inay masuul ka ahaayeen khilaafkii xisbiga gudihiisa ka jiray.

DSC_0094Waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Samaale oo ah siyaasi xurguf siyaasadeed loolanka hoggaanka Kulmiye ku dhexmaray Muuse Biixi, isaga oo hoggaaminayey isla markaana dabada ka riixayey garabka xukuumadda ee ka soo horjeeday Guddoomiye Muuse oo loollan siyaasadeed ku dhexmaray hanashada guddoomiyaha Xisbiga.

Wasiir Samaale waxa uu Madaxweynaha hortiisa ka ballan-qaaday inuu shakhsi ahaan iyo gole wasiir ahaan si rasmiya u barbar taagan yihiin iska markaana Muuse Biixi kula shaqaynayaan Guddoomiyenimada xisbiga Kulmiye, isaga oo dhinaca kalena ku ammaanay Muuse Biixi soo afjarista khilaafka uu qaybta ka ahaa ee labada garab u kala qaybiyey Xisbiga Kulmiye.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories