HomeSOMALILAND: SIDII AAN IDIINKU LISNAY NOOGUMA AYDAN HAMBEYN W/Q YUSUF GARAAD

SOMALILAND: SIDII AAN IDIINKU LISNAY NOOGUMA AYDAN HAMBEYN W/Q YUSUF GARAAD

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Shiikh Xasan Cabdisalaan, oo ah Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland ayaa shir saxaafadeed oo uu Guddigu qabtay isagu si gooni ah ula hadlay Soomaalida Koofureed oo uu ugu yeeray Walaalaha Koofureed. Hadalkii uu jeediyay oo aan Video ka daawaday waxay ila noqotay in loo baahan yahay in ay in badani akhristaan.  Sidaa darteed waxaan qoray erayada Shiikha. Isaga oo gar dhiganaya wuxuu yiri:

[Baaq ayaan soo jeedinayaa] oo aan runtii  jeclahay in warbaantuna ay cod dheer ku qaaddo.

Laba sannadood ka hor bay ahayd baan u maleynayaa ama saddex sannadood ka hor, baa halkan, bartan aynu joogno ee Madaxtooyada waxaa looga gurmaday walaalaheenna koofur deggan oo ay abaari ku habbsatay. Mar ka horreysayna waa loo gurmaday oo ay duufaanno qaadeen si kasta ha u dhacdee.

Mar labaadna [duffaanta ka dib] gurmad weyn oo runtii dowladda Somaliland hoggaamineysay xukuumad ahaan, shacabiguna aad uga qeyb qaatay ayaa laga sameeyay.

Waxaa nasiib darra ah walaalahaasi saa loogu damqaday, ee saasi loogu gurmaday, ee gacanta intaa le’eg loo geystay, ee hadhaagii ay kaga tageen akownada aannu ku furnay. Akownada guddida abaabruhu ay immika ku shaqeyso, hadhaagii qaaraankaa berigaa loo ururiyay koofur wixii ku hadhay ayaannu ku billownay.

Waxaa runtii nasiib darra ah ilaa maanta oo aynu hadleyno in aan gambo innaga soo gaadhin, koombo innaga soo gaadhin, dhegle innaga soo gaadhin!

Taasina waxay ka tarjumeysaa uun kala duwanaashaha xagga dareenka.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland

Runtii aad baan anigu Baaqaasi kor baan u qaadayaa waa baaq dhaliila, waa Baaq runtii farta aan ku godayo oo aan leeyahay walaalladayo sida aan idiinku lisnay noogumeydan hambayn.  Ama sidii aan idiinku lisnay marnaba meydaan soo eegin.

Waxaaney sheegeysaa uun inteynu isu jirro bey sheegeysaa uun.

Shiikh Xasan Cabdisalaan hadalkiisu waa cad yahay. Waana mid aniga iila muuqda baaq gurmad lagu dalbayo oo aan cilaaq lahayn.

Waxaan rajeynayaa in Soomaalidu ay ka garbixi doonto Shiikha, loona gurman doono dadka ay abaaurhu sida ba’an ugu dhufteen ee dgaannada Somaliland.

Shacab, Dowlad Goboleed iyo Dowladda Federaalkaba waxaan xusuusinayaa mahmaahda Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan loo yiraahdo inta badanna Koofurta laga adeegsado: Saxan, Saxan ku gud. Salaan, Salaan ku gud.

Yusuf Garaad

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories