HomeSomaliland: Shirweynaha Caymiska Qaranka oo Hargeysa ka furmay

Somaliland: Shirweynaha Caymiska Qaranka oo Hargeysa ka furmay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta magaalada Hargeysa ka daah-furay shirweynaha Caymiska Qaranka, kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa ee ka qabsooma dalka.

Shirweynaha oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Caymiska Qaranka oo bishii January ee sannadkan uu aasaasay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, Xubno Wasiirro ah, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiyaha hay’adda Caymiska Qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Shirkadaha bixiya adeegga Caymiska iyo Marti-sharaf kale.

blankUgu horeyn, waxa munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo sharaxaad ka bixiyay Ujeeddada loo qabtay shirka iyo hawlaha la xidhiidha dar-dar gelinta shaqada hay’adda, waxaanu gudoomiyuhu xusay in ujeedaddada madaxweynaha Somaliland u aasaasay hay’addu tahay baahida caymiska qaranka ee dalka ka jirta, waxaanu gudoomiyuhu golaha cusub ee wakiillada u soo jeediyay inay ansixiyaan xeerkii ay hay’addaasi ku hawl gali lahayd.

Wasiirka wasaaraadda Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo masuuliyiin kale oo shirka ka hadlay, ayaa soo dhaweeeyay shirweynaha iyo hawsha ku saabsan horumarinta caymiska qaranka oo ay sheegeen inuu yahay mid qaranku u baahan yahay.

blankMadaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gunaanadkii munaasibadda ka hadlay, ayaa masuuliyiinta hay’adda caymiska qaranka ku bogaadiyay shirweynaha ay soo abaabuleen, waxaanu xusay in masuuliyiinta sar-sare ee qaranku ay diyaar u yihiin in gacan ka gaystaan sidii hay’adda caymiska qaranku u noqon lahayd mid wax ka tarta arrimaha loo asaasay.

Hay’adda Caymiska Qaranka oo madaxweyne Muuse Biixi ku aasaasay xeer madaxweyne 10-kii bishii January 2021-kii, waxa uu maamulkeedu ka kooban saddex xubnood oo kala ah Guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen iyo Agaasime Guud.

blankSaddexda masuul ee madaxweynuhu u magacaabay hay’adda Caymiska Qaranka, ayaa ka ah Guddoomiye Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), waxa guddoomiye ku-xigeen ka ah Sahra Aadan Yuusuf Xirsi, halka Agaasimaha Guud ee hay’addaasi yahay Cabdiraxmaan Muuse Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories