HomeSomaliland: Shirkada Dhisaysa Dekeda Berbera oo Shaacisay Tirada Shaqaalaha Mashruuca Balaadhinta...

Somaliland: Shirkada Dhisaysa Dekeda Berbera oo Shaacisay Tirada Shaqaalaha Mashruuca Balaadhinta Ka Hawlgelaya.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaan dooneynaa in aan shaqaaleyno [dadweynaha] kuna darnaa shaqaalaheena xirfadda leh.” Mr. Maxamed Naasir-Maareeyaha Shafa Al Nahda

Dubai-(SLPost) Shirkada Shafa Al Nahda oo ku guulaysatay mashruuca ballaadhinta dekeda Berbera ayaa shaaca ka qaaday inay shaqaalaha xirfadlayaasha ee dalka gudahiisa jooga door muhiim ah ka qaadan doonaan dhismaha dekeda.

Sida lagu baahiyey wakaalada ConstructionWeekOnline shalay, Mr Maxamed Naasir, maareeyaha guud ee shirkada Shafa, ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucu ka iman doonaan dibeda Somaliland, balse shaqaalaha guduhu kaalin yeelan doonaan, isagoo yidhi,

“Qaar ka mid ah shaqaalaha mashruucu waxay ka iman doonaan dibedda Somaliland, laakiin xirfadlayaasha Somaliland door muhiima ayey ku yeelan doonaan qorshaha ballaadhinta dekedda Berbera.” Isagoo raaciyey.

“Waxaa jira jaangooyooyin muhiim ah oo aan siinay shaqaalaheena xirfadlayaasha ah ee ka imaanaya dibadda. Laakiin waxaan qorsheyneynaa inaan dhex-galinno shaqaale degaanka. ”

 

Maareeyaha Guud ee Shafa oo faahfaahin ka bixinayey sababaha shaqaalaha xirfadlaha qaarkood dibedda uga keenayaan, ayaa sheegay in kuwa maxaligu xadidan yahay,

“Waxaan dooneynaa in aan shaqaaleyno [dadweynaha] kuna darnaa shaqaalaheena xirfadda leh.”

Xirfadlayaasha maxaliga ayuu Mr Nasser sheegay inay u sii  shaqeyn doonaa Shafa Al Nahda xitaa ka dib markii mashruuca dhismaha dekeda la dhammaystiro, taas oo markaa u oggolaanaysa inay noqdaan shaqaale u tababaran sida koronto yaqaan ama wastaad.

Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasibadii saxeexa balaadhinta dekeda Berbera dhowaan ayaa sheegay in colaadaha Geeska Afrika ay u horseeday shaqo la’aanta dhalinyarada gobolka, laakiin mashruuca DP World u keeni doono faa’idooyin mudo dheer ah gobolka.

“[Mashruuca] wuxuu faa’iido u noqon doonaa dhamaan gobolka Geeska Afrika, isagoo keeni doona xasiloonida iyo wanaagga dadka,” ayuu sheegay Madaxweyne Md Muuse Biixi, isagoo sii raaciyay. “Dadku waxay ku rajo-weyn yihiin in mashruucani uu sare u qaadi doono noloshooda, sidaa daraaddeedna aad ugu soo dhoweynayaa.”

Qorshaha ballaadhinta dekeda Berbera ayaa la filayaa in  shirkada Shafa Al Nahda deked cusub oo balaceedu gaadhayo  400m iyo balaadhinta barxada qiyaasteedu tahay 25 hecter wejiga hore,  ayaa sida qorshaha shirkada oo la raaciyey naqshada dekeda lagu sheegay inay ka hawlgeli doonaan shaqaale gaadhaya 700 qof, inkastoo aan la kala caddayn inay wejiga koowaad wada yihiin iyo labada weji, taasoo qeyb ka sii tahay dhismaha Aaga Cashuuraha ka caaggan (Free Zone).

Shafa Al Nahda, oo ah shirkada ugu muhiimsan ee ballaadhinaysa dekeda Berbera ayaa  heshiiska qandaraaska la sheegay inay ku heshay sababo waaya-aragnimadeeda shaqo, ee hore uga soo qabatay dekedaha Dakar (Senegal) iyo PMaputo ee (Mozambique), sidoo kalena qeybo ku biirisay dekeda Port Rashid.

Xigasho: Dawan

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories