HomeSOMALILAND: Shirkad waddani ah oo markii u horreysay Lacag Xaddi badan ku...

SOMALILAND: Shirkad waddani ah oo markii u horreysay Lacag Xaddi badan ku Iibsatay Naadi Kubadda Cagta Ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorama (SLpost)- Shirkad magaalada Boorama u fidisa adeegga Korontada oo magaceeda la yidhaahdo Power Station,  ayaa maanta la wareegtay kooxdii kubadda cagta ciidanka Asluubta gobolka Awdal, ka dib markii ay ku iibsadeen lacag dhan toban Milyan, lix Boqol iyo konton kun oo shilinka Somaliland ah.

kooxMunaasibad lagula kala wareegayay kooxdan oo lagu qabtay magaaladda Boorame waxa ka soo qeyb galay Xoghayaha fulinta gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac, Guddoomiye Ku xigeenka Golaha deegaanka Boorame Maxamed Faarax Dheerayste, Iskuduwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee gobolka Awdal Samaroon Cabdilaahi Cilmi, maamulka shirkadda Laydhka ee Power Station ee magaaladda Boorame iyo saraakiisha ciidanka asluubta Boorame  iyo dadweyne tiro badan.

Maamulaha shaqaalaha ee Shirkadda korontada ee Power Station Cabdilaahi Xaaji ayaa sheegay inay kooxdan ku ciyaari jirtay magaca ciidanka asluubta ee gobolka Awdal oo ka mid ahayd naadiyadda heerka koowaad ay  la wareegeen si ay  ugu ciyaaraan magaca shirkadooda.

 “Ciyaartoyga kooxdan oo hadda ka dib ku ciyaari doonta magaca shirkadda laydhka ee Power Station ee Magaaladda Boorame waxay ka kooban yihiin 18 ciyaartoy, waxaan idiin sheegayaa in dhammaantood aanu bari doono xirfadda laydhka oo aanu shaqooyin rasmi ah siin doono isla markaana ay kubadda ku ciyaari doonaan magaca shirkadan,”ayuu yidhi maamulaha shaqaalaha ee shirkadda laydhka Boorame ee Power Station.

Cabdilaahi Xaaji waxa uu sheegay in tallaabadan ay u qaadeen si ay shaqo abuur iyo dhiirigelin ugu sameeyaan ciyaartoyga oo ah kuwa ugu badan ee nafahooda ku biimeeya Tahriibka.

 “Go’aankayagani waxa uu dabo-socdaa qorshaha xukuumadda ee la xidhiidha in la dhalinyarada dalka loo sameeyo shaqo abuur, waxaanu ku faraxsan nahay in ay shirkad ahaan noo hirgasho qorshahan oo aanu muddo ka soo shaqaynaynay,”ayuu intaas raaciyay Sarkaalkaas u hadlay shirkaddu.

Sidoo kale, Xoghayaha  fulinta Gobolka Awdal Asad Cabdi Jaamac, ayaa shirkaddaas ku ammaanay wax uu ku tilmaamay tallaabadda weyn ee ay qaadeen, waxaanu shirkadaha kale ee gobolka ugu baaqay inay ku daydaan oo ay shaqaaleeyaan ciyaartoyga iyo dhalinyarada gobolka si shaqo abuur loogu sameeyo, loogana baajiyo tahriibka.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku xigeenka Golaha deegaanka Boorame Maxamed Faarax Dheerayste iyo isku duwaha wasaaradda ciyaaraha gobolka Awdal Samaroon Cabdilaahi Cilmi waxaanay sheegeen in qorshahani yahay dhiirigelintii ugu weynayd ee shaqo abuurka dhalinyarada gobolkaas loo sameeyo. Waxaanay bogaadiyeen shirkadda laydhka ee Power Station ee magaaladda Boorame, iyagoo ciyaartoygana ku booriyay in ay horumar ka sameeyaan xirfadooda ciyaaraha oo ay la tartamaan mustawaha ay gaadheen goboladda kale ee dalku.

Waa markii u horreysay ee magaaladda Boorame shirkadi ay la wareegto koox ciyaareed  si ay u shaqaalayso ciyaartoyga isla markaana u baraan xirfado farsamo oo ay mustaqbalka ku shaqaysan karaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories