HomeSOMALILAND: Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagaga hadlay Qodobbo Xaasaasi...

SOMALILAND: Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagaga hadlay Qodobbo Xaasaasi ah iyo nuxurka ay xambaarsan yihiin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Somaliland, oo tirsigiisu yahay kii 200aad ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 28-07-2016 ku qabsoomay hoolka shirarka ee Golaha Wasiirada ee Xarunta Madaxtooyada.

Shirkan oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, weheliyeyna Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa xaadir ku ahaa aqlabiyadda xubnaha golaha wasiirada, waxaana lagu falanqeeyey, ajandeyaal dhawra balse waxa hagoogay oo ugu badnaa qodobka saddexaad ee ajendahaasi oo ahaa Ansixin Heshiiska Maalgashiga Dekeda Berbera, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

DSC_0007“Xubnihii Golaha wasiirada ee qaybta ka ahaa wada hadalka ayaa halkaa warbixin hordhac ah golaha ugu jeediyey, wasiirka wasaaradda Madaxtooyada oo ku hadlayey afka xubnaha wasiirada ee hashiiska u qaabilsanaa dawladda, wasiirka khaarajiga oo maqnaa awgeed, waxa ka mid ahaa hadaladiisa in ay dekedda ku tartameen dib u dhiskeeda iyo maalgashigeeda, ilaa siddeed shirkadood oo caalamiya, iskuna soo hadheen ugu dambayn shirkadaha faransiiska ee Blore iyo Shirkada DP World ee Imaaraadka oo iyadu tartanka heshiiska loo galay mar dambe soo gashay.

Wasiirku wuxuu sheegay in shirkada Caalamigaa ee DP World ee dalka imaaraadka ay tahay tan ay Somaliland ugu jirto maslaxadda iyo faa’iidada ugu badani, sidaana ay ku qaadday inay noqoto shirkadda si kama dambaysa ah loola gelayo heshiiska, iyadoo shirkadihii kalena si cad loogu sheegay in ay Somaliland qaadatay inay heshiiska la gasho DP World,” sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka oo sii socda, ayaa u dhignaa sidan: “Wasiirku waxa uu sharxay isagoo kaashanaya garyaqaanadii xukuumada u qaabilsanaa dhinaca sharciga ee heshiiska.

DSC_0009

  • In aanay jirin haba-yaraatee deked la wareejinayo ama la iibinayo, balse dekedda dalku leeyahay weligiina lahaan doono, balse heshiisku yahay in muddo cayiman la kireeyey dekeda taasina tahay wax caalamka ka dhaca oo dawladaha dhex mara.
  • In Markii dhinac walba laga eegay heshiiskaasi faa’iidadiisa weyni ay helayaan shacbiga Somaliland, faa’iidadaas oo ka badan ta ay ka helayso DP World, hase ahaatee shirkaduna dhinaceeda ay helayso faa’iido, markaana labada dhinacba ay dani ugu jirto.
  • In aanay jirin waddo kale oo aynu marno oo aynu ku dhisano dekedeena, madaama aynaan heli Karin deyn ama amaah aan ku dhisano iyo deeq deked dhista oo layna siinayo
  • In dekeda Berbera iyo dekeda Cadan ay markii hore ahaayeen labada dekedood ee ugu caansan marin biyoodka Gacanka Cadmeed, balse maanta ay yihiin kuwa ugu dambeeya, haddii aynu imika wax ka qaban waynana aanu wakhtigu ina sugayn, taasina ay tahay sababaha ugu weyn ee aynu heshiiskan u galnay
  • In shirkada DP World noqotay shirkada hantida ugu badan gelinaysa dekeda taasoo dhan 442Milyuun oo doolar, muddada kirada oo ah 30 sanadood ay tahay mudada ugu macquulsan ee heshiis noocan ah la geli karo, sida ay sheegeen sharci yaqaanadu.
  • In 12 bilood gudohood oo ka bilaabma maalinta heshiiskaasi si kama dambays ah loo saxeexo, saxeexaas oo dhacaya wiiga ugu horeeya ee bisha inagu soo fool leh lagu dhiso deked cusub oo baaxadeedu tahay 400M, ilaa dekedda cusub la dhisana aan dekedii hore la taabanayn
  • In dekeda cusub ka dib la gelayo casriyeynta iyo balaadhinta dekeda hore.
  • In deked saddexaad la dhisi doono oo iyana baaxadeedu dhan tahay 400M, marka 75% ay shaqada labada dekedood ee hore hirgalaan.
  • In Shaqaalaha hadda jooga dekedu ay sidooda u sii wadan doonaan shaqada, oo weliba tiradoodu sii kordhi doonta marba marka ka dambaysa oo halka ay imika ka yihiin 840 ay noqon doonaan ilaa 3,000 oo marka saddexda dekadoodba shaqeeyaan.
  • In dawladda Imaaraadka Carabtu gaar ahaan shirkada DP World ay qayb weyn ka qaadanayso dhismaha jidka isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya.
  • In ujeeddada shirkada DP World ay ka leedahay heshiiskan ay tahay inay gaadho dadka boqolka malyuun ku dhaw ee itoobiya, isla markaana ay itoobiya aad u danaynayso in badeecadaha ay dhoofiso iyo kuwa ay soo dejisaba, qaybo ka mida jeceshay inay soo marto Somaliland, sidaa awgeedna ay caddaysay Itoobiya inay soo dhawaynayso heshiiska dhexmaray Somaliland iyo DP World.
  • In faa’iidooyin badan oo kale oo ay ka mid yihiin waxka qabashada dhinaca korantada, beeraha, ay Somaliland ugu jiraan taabo galka heshiiskaasi.
  • In shaqaale reer Somaliland ahi ay u shaqo tegi doonaan dalka imaaraadka carabta.
  • In xarun ganacsi laga sameeyo Somaliland taasoo shaqaalayn ay ka helidoonaan shacbiga Somaliland, kuna dhiirrisay labada dhinac heshiiskaa.
  • Waxa jiray faa’iidooyin badan oo kale oo Somaliland ugu jira heshiiskaasi.

Markii warbixinta si buuxda loo dhegeystay, lagana dooday ayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu cod gacan taaga u qaaday heshiiskaa waxaanu ugu horayn soo jeediyey inay gacanta taagaan inta ogol inuu heshiiskaasi dan u yahay Somaliland, lana hirgeliyo, waxaana gacanta u taagay oo oggolaaday dhamaan wasiiradii goobjooga ahaa ee golaha wasiirada, halka aanay ka jirin wax diiday iyo wax ka aamusaytoona.

DSC_0010Markii laga soo baxay shirkaasi waxa warbixin siiyey warbaahinta xubnaha guddida ee ka hawlgalay heshiiska gaar ahaan wasiirada Qorshaynta qaranka, Maaliyada, Ganacsiga iyo Madaxtooyada oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, iyadoo sheegay in sida ugu degdega badan loogu gudbindoono golaha wakiilada Somaliland, si ay waajibkooda dastuuriga ah uga gutaan heshiiska labada dawladood.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories