HomeSomaliland-Sheekh Dirir: Maalin walba Wax Uskagaysan ma Horistaagi Karayne, aynu Shareecada Ilaahay...

Somaliland-Sheekh Dirir: Maalin walba Wax Uskagaysan ma Horistaagi Karayne, aynu Shareecada Ilaahay isku Xukunkeeda Doorano.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Ilaahay waxyigiisa inaynu raacnaa, maaha ikhtiyaari, waa waajib.

“Nimankii sameeyey xeerkan waxay ku bilaabeen in xeerku waafaqsan yahay shareecada islaamka, mana waafaqsana, oo Ilaahay bay ka been-abuurteen. Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir.

Hargeysa- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir, ayaa sheegay inaan ummadu maalin walba xeer xiimaya oo xun ma horjoogsan karine, ay waxyiga samaawiga ee Ilaahay u dooray ku deystaan.

Khudbadii Jimcaha maanta oo Sheekh Maxamed kaga hadlayey halista xeerka Kufsiga ee dhowaan Aqalka wakiiladda Somaliland ansixiyeen ayaa ku sheegay inuu yahay mid shareecada Islaamka ka soo horjeeda, inkastoo uu amaanay talaabada xukuumadu ku caddeysay inay saxayaan.

Xeerkan Kufsiga waxa ku dhaqmi jiray oo lahaa dalka Talyaaniga kun sagaal boqol iyo dhowr iyo soddonkii, wuuse iska bedelay, kii ayaa la soo qaatay. 1993-dii ayaa baarlamaankeena la keenay, oo Madaxweynahii wakhtigaasi keenay, sidan oo kale ayaan khudbadaha uga dignay, waa 25 sannadood ka hor, wuu noo yeedhay oo yidhi maxaad ku diidan tihiin, waxaan nidhi waanu ku soo tusi. 11 Culimmo ayaa wakhtigaa loo saaray, 125 qodob oo Diinta khilaafsan ayaan ka soo saarnay. Halkii baa lagu joojiyey, isagoo ayaa immikana waslad ka mid ah nimankii berrigaa wadday, ay soo celiyeen markii ay isyidhaahdeen diintii waa laga caajisay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in aafooyinka xeerka Kufsigu xambaarsan yahay 14 qodob oo ka mid ah uu sheegi doono, waxaanu yidhi,

“Nimankii sameeyey xeerkan waxay ku bilaabeen in xeerku waafaqsan yahay shareecada islaamka, mana waafaqsana, oo way ku beenabuurteen Ilaahay, qodobka saddexaad aya asheegaya.

 

Xeerkani waxa Sinnada la yidhaahdo, uma aqoonsana sida sharciga diintu u taqaano, waxay sinnada u yaqaaniin marka qofka la khasbo, sidii Gaalada, laba nin hadii ay is-fuulaan, laba naagood hadii ay is-fuulaan, nin iyo naag hadii ay kala sinnaystaan oo is-ogol yihiin Sinno lama yidhaahdo. Markaa dadyahow hadaad is-ogoshihiin dhankaad doontaan u ridda ayey ka dhigan tahay.

Sheekh Maxamed ayaa caddeeyey in Xeerkani Sinnada  u yaqaano kufsiga, taasina waa bedelaad sharcigii Ilaahay, oo waxii kitaabka iyo axaadiista nebigu CSW sheegayeen halkaa  ayaa la iska dhigay, oo la yidhi, waxii ciqaab sinnadu lahayd waxa lagu bedelay xadhig, dilna ma leh, karbaashna ma leh.

Xeerkani waxyaalaha uu shareecada ku khilaafsan yahay ka mid ah, in ninka iyo naagta isqabay, haduu mid ka kale ku daqaqamo, natiijadu waa kufsi, maxkamada la soo taagayaa, ninkiiba islaantiisi waa lagu haystaa.

Xeerkan waxa ku jira hadii ilmo yar loo guuriyo, waa dembi, waana maxkamad, taa macnaheedu waxuu yahay Nebi Maxamed CSW, markuu Caasha RC guursaday ayuu dembiile ahaa. Hadda u fiirso, da’da lagu qaangaadhaana waynu sheegi doonaaye waa 18 jir. Waxii ka yar 18 hadii loo guuriyo waa dembiile, odey ba inantiisa guuriyey ka yar da’da waa dembiile. Islaamkuna waxuu qabaa in ninka waalan loo guurin karo, gabadha loo guurin karo, sabiga loo guurin karo. Guurka maslaxada ayey Culimada fuqahadu u taqanaa.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xeerkani qaangaadhka u yaqaano da’da 18 jirka,  waxii ka yar midna qaangaadh maaha, salad, soon, sakada, xaj midna laguma laha, waxbaba, halkaana diin dhan baa duntay, sidoo kale xeerkani waxaanu khilaafsan yahay waxa diinteenu qaangaadhka u taqaano oo ah marka qofku biyaha taranka helo, ama gabadhu naasahu u soo baxaan, oo dhedigaato, oo dhiigii caadada hesho waa qofkii oo dhali kara.

Xeerkani xumaantiisa wax aka mid ah cawrada diinta islaamku wax bay u taqaanaa, dumarkana waa jidhka oo dhan, raganna xundhinta iyo jilbaha  inta ka dhexeysa, xeerkan cawrada waxuu u yaqaanaa, oo qofkii ku qaawiyaa dadka dhexdooda dembi gelaya waa inta nigiska lagu xidho markuu baneeyo. Akhlaaqiyaadkii ayaa halkana daaqadalaga tuuray.

Xeerkani markuu ka hadlayo ciqaabta dembiyada dadkii ayey kala saareen, kaasi waa maalqabeen, kaasi waa madax, waa ilmo yar, waa odey, diinta islaamkana dembiile waa dembiile, waa sidii xeerkii Yuhuuda, ee dadka kala saari jiray, halkana waa la kala saaray, xeerkani ma yaqaano waxala yidhaahdo caddeymaha, hadii qofka Sinno lagu soo eedeeyo waa in afar qof oo Rag ah, aan dumar iyo caruur ahayn oo arkayey waxan oo isku jira, wa ainay wax cadeeyaan sida diinta islaamku qabto, inta ahadii la waayo, qofka sheega ayaa la ciqaabayaa, halkan waxay ku qoreen ilmaha yar haduu soo cawdo oo yidhaahdo waa la I fuulay, ama gabadhu tidhaahdo waa la I kufsaday, waa laga qorayaa, maxkamad ayaa la saarayaa, waana la xidhaya qofkii dembiilaha.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in xeerkani diido, waxa suluxa iyo cafiska la yidhaahdo, Ilaahayna waxuu quraanka inoogu sheegay hadaad cafidaan ayaa Alle ka cabsiga ugu dhowaanaysaan’ qofkii wax lagu sameeyey haduu yidhaahdo waan cafiyey, cafiska sharciga islaamku wuu tixgeliyaa, kanina ila awa ilow waa in ciqaab la mariyaa. Shareecadana qofkii wax loo geystay ayaa la weydiinayaa inuu dembigii laga galay, waxaa ayaad xukun u leedahee mala mariyaa, haduu haa yidhaahdo waa la marinaya ciqaabtii dembiilaha, haduu cafiyana waa la fasaxayaa. Xitaa naftii la dilay ayaa cafis leh.

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa ugu damabyn u soo jeediyey xubnahii ka qeybqaatay diyaarinta xeerkan inay Ilaahay uga toobad keenaan, ummadana ugu baaqay inay ku qancaan isku xukunka kitaabka Alle, oo aduunka iyo aakhiraba ku liibaanayaan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories