HomeSomaliland: Shaqaalaha Dowladda oo Baanka Dhexe ka Amaahan Kara Lacago ay Guryo...

Somaliland: Shaqaalaha Dowladda oo Baanka Dhexe ka Amaahan Kara Lacago ay Guryo ku Dhistaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Khaalid Jaamac Qodax, ayaa sheegay in markii u horeysay la suurto-galiyey in shaqaalaha dowladdu Baanka Dhexe ka amaahan karaan Lacago ay Guryo ku dhistaan.

Guddoomiyaha oo maanta kulan la qaatay Guddiga Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inaanay hay’ad ahaan cidna uga habran gudashada waajibka saaran ee ay qaranka u hayaan, guddi ahaanna ay ku shaqeeyaan daacadnimmo, sinnaan iyo cadaalad.

Warbixin uu Gudoomiye Khaalid u jeediyey guddiga ayuu ku sheegay in Hay’adda Shaqaalaha Dawladda la aasaasay sannadkii 1993-dii, oo Dastuurku jideynayo ay masuuliyadeeda ka mid ah tababarka, daryeelka, xaqsiinta shaqaalaha dawladda, kaas oo ka duullaya xeer 97/2022 oo Golaha Wakiilladu dhawaan ansixiyey.

Guddoomiye Khaalid ayaa sheegay in Hay’addu abuurtay siyaasado kala duwan oo fududeynaya waajibaadka ka saaran shaqaalaha dawladda, kana mid yihiin, siyaasadda xeyndaabka kartida; siyaasada maaraynta anshaxmarinta shaqaalaha, siyaasadda maaraynta fasaxyadda, siyaasadda maaraynta cabashooyinka iyo tabashooyinka siyaasadda dalacsiinta shaqaalaha, iyo siyaasado kale.

“Shaqaalaha dawladdu waxay amaah ka qaadan karaan Baanka dhexe oo annagu (Hay’adda shaqaalaha) u saxeexno, ay guryo ku dhisan karaan, ku guursan karaan, iyadoo si fudud deynka mushaharkooda looga jarayo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa sheegay inay ku guulaysteen joojinta qaadashada shaqaale ku-meel-gaadh ah dhamaan Wasaaradaha dalka, marka laga reebo laba Wasaaradood ee Caafimaadka & Waxbarashada oo dabeecadda ay ku shaqeeyaan ka duwan tahay kuwa kale.

Md. Khaalid oo ka hadlayey hanaanka ay u maraan Shaqo ka Caydhinta shaqaalaha, ayaa sheegay inaanay aqbalin qoraalada Wasaaraduhu ka soo gudbiyaan shaqaale ay eryeen, isla markaana jiraan shaqaale badan oo dib ay shaqadoodii ugu celiyeen waxaanu yidhi, “Waxa jira shaqaale badan oo dib aanu shaqooyinkoodii ugu celinay, halka qaarkood aanu ku waafaqno, halka aanu kuwo kale beddel wasaaradeed u samayno.”

Waxa uu Gudoomiyaha shaqaalahu bogaadiyey mashruuca shaqo qaran ee Madaxweynaha Somaliland bilaabay oo u sheegay mid si daahfurnaan ah u qeexaya hanaanka shaqaalaha qaranku ku imanayaan iyo inuu go’aan cad ka soo saaray in Wasaaradaha & Hay’adaha Qaranku joojiyaan qaadashada shaqaale ku-meel-gaadh ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories