HomeSomaliland: Shan Qodob iyo Doorashada Kaddib - FALANQEYN

Somaliland: Shan Qodob iyo Doorashada Kaddib – FALANQEYN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankGorfeynta Raad-reebka Doorashada Kaddib, Kaftan Hufan, Adkaanta Maamuuska Milgaha Qarannimo,Tusmeynta Daraasaad Caafimaad, Hirgalinta Sarreyn Dastuur Iyo Korreyn Sharci.

Ugu horreyn, si kooban haddaan idinla wadaago gorfeyn diiraadda saaraysa dhacdooyinka soo if-baxa Doorashada kaddib “Post Election”. Kuwaasi oo iskugu jira qaar taban iyo kuwo togan oo kor u qaadaya Adhaxda Dawladnimo, Dhuuxa Qarannimo Iyo Kartida Bulsho ahaaneed. Kuwaasi oo kala ah:

1. XAALADDA TARTAMEYAASHA: Daal “Tiredness”; Dareen Cabsiyeed “Anxiety” Iyo Walaac “Depression”:

Doorashada Kaddib, Tartanlayda/Murrashaxiinta, waxa ku yimaadda ama dhaca xaaladdo caafimaad iyo nafsi ahaaneed oo kala ah:
▪Waxa Tartamaha ama urrashaxa natiijo sugaha ah ku timaadda xaaladdo ay ka mid yihiin cabsi “Anxiety”, daal “Tiredness” iyo walaac “Depression”. Iyada oo xaaladdaha Cabsida, Daalka iyo walaaca ku dhaca Doorashada Kaddib tartanlayda xil-doon ahayd . Waxa sal-dhig u noqon kara dareemidda kakannaan rejo oo ku aaddan mustaqbalka dhaw iyo walaaca natoijada taagan timaadda ah.
▪Waxa lagu arkaa tartameyaasha Doorashada kaddib, xaaladda degenaan la’aanta ah oo Afka caafimaadka lagu yidhaa “Post Election Stress Disorder”.
▪Xaaladdaha caafimaad ama nafsadeed ee ku dhaca tartameyaasha natiijo sugayaasha ah ayaa la soo shaac-baxa ama soo bandhigga madax xannuun joogto ah, walaac iyo cabsi nadan.
▪Sababaha dhaliya xaaladdaha caafimaad ama nafsadeed ee Murrashaxiinta sugaya ku dhawaaqista natiijada Doorashada, waxa ugu waaweyn Qulqulkii dareennada Feejignaanta hawl-socodsiinta, geeddi-socodka ololaha doorashada, daalkii hawlgalka, kacsannaanta nafsadeed ee sarreynta rejada guusha, helitaanka taageerayaal laf-dhabar ah iyo walaaca guul-darrada.

2. DAAL BULSHO:

▪Sida lagu caddeyey daraasad caafimaad oo lagu daabacay bogga/barta Myoclinic ayaa si cad u qeexday in doorashada kaddib bulshada caadiga ahi dareento xaalad daal ah. Taasi oo ay sabab u tahay xafiltankii taranka ololaha Dooraahada, coddeyntii, kala jecleysigii murrashaxiinta, kala raacsitii xisbiyada iyo murrashaxiinta kala geddisan.
▪Sidoo kale, sahamin caafimaad oo lagu sameeyey dadka Maraykanka ayaa lagu daah-qaaday in 68% doorashada kaddib dadka reer Maraykan ay dareemaan daal iyo walaac badan. Xogtan oo diiradda fogaan-aragga saaraysa dhacdooyinkii xaalad caafimaad ee lagu arkay dadweynaha Maraykanka kaddib doorashooyinkii dalkaasi ka qabsoomay intii u dhaxaysay 2016-2020 ayaa waxa sheegay ururka American Psycholigical Association.

3. HELITAANKA METELAAD IYO DHIIG CUSUB:

Doorasho kaddib, waxyaabaha laga dheefo ee dalka iyo dadkuba ka faaiidaan, waxa ka mid ah:
▪Doorashada kaddib, waxa jirta filasho waafi ah oo ku saabsan in bulshadu hesho metelayaal “Representatives” daneed iyo kuwo siyaasadeed. Kuwaasi oo dhiig cusub u noqon kara horu-socodka iyo geeddiga ummadnimo ee dalka. Waana hirgalka sunnaha dawladnimo iyo gaadh hayaha hannaanka talo wadaagga “DemocracySystem” qaranka.
▪Doorasho kaddib, waxa la fuliyaa dardargalin shaqo iyo siyaasadeed oo dhiig iyo dheecaan nololeed u noqxa dhidbannaanta nidaamka dawladnimada, raandhiiska hirgalka dimuqraadiyadda iyo ka qayb-galka siyaasadda ee dhallinyarada, aqoonyahanka, haweenka, dadka nugul iyo dadka laga tirada badan yahay.

4. MAGAC, MAAMUS IYO QARANNIMO:

Doorasho kaddib, waxyaabaha qaranku ka dheefayo/ ka faaiidayo, waxa ka mid ah:
▪Fulinta iyo u hoggaansannaanta korreynta sharxiga iyo Sarreynta Dastuurka oo bulshada siinaya sugnaansho sharci/xeer, lahaanshaha xaqa doorasho iyo ka qayb-galka siyaasadda dalka.
▪Joogteynta kaltan doorashada dalka, ilaalinta hirgalka nidaamka dimuqraadiyadda iyo Ka Shaqeysiinta hannaanka talo wadaagga qaranka “Democratic country functioning”.
▪Xaqiijinta xaqa sharci ee muwaaddinniinta, xulashada kaadirrada metelaya danaha shacabka iyo dhawrsannaanta nidaamka dawladnimo ee ka dhasha dadweynaha.
▪Helitaanka isla jaan-qaad siyaasadeed iyo wada shaqyn Hay’addo Dawladeed oo sii xoojiya hannaanka isla xisaabtanka bulsho “Social Accountability” iyo nidaamka maamul wanaagga ” Good Governance”.
▪Helitaanka summad/astaan Daqladnimo ku dhisan talo wadaag “Democracy”, nabad-gelyo, is beddello hoggaamineed oo sharci ama Dastuuri ah, karti iyo isku tashi dawladnimo karaamadeeda dadku leeyahay.
▪koboc dhaqaale iyo dheef wadaag bulsho, waarinta samaha Qaranka, adkeynta midnimada ummadda, joogteynta is beddellada tolmoonn ee dhinaca hoggaaminta iyo difaacista isla ogolka ah ee magac-samaanta dalka.

5. HIRGALIN DAWLADNIMO & KU DHAQAN SHARCI:

▪Xukuummadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse biixi cabdi, waxay hirgalisay sugnaanshaha sharci iyo Dastuurnimo “Constitutionalism” ee ku cad qodobada 9 aad iyo 22 aad ee Dastuurka JSL
▪Waxay si buuxda u hirgalisay Waajibaad sharci iyo jideyn Dastuur oo ku qotonta lahaanshaha xuquuq muwaaddinnimo. Tusaale ahaan Xuquuqda siyaaseed, Dhaqaale, Bulsho iyo xaqa Doorashada ee muwaaddinniinta reer Somaliland.
▪Waajibnimada hirgalinta xuquuqda siyaaseed, Dhaqaale, Bulsho iyo xaqa Doorashada ee muwaaddinniinta reer Somaliland ayaa tusaale iyo tusmeyn wanaagsan u ah daah-qaadka hirgalka ku dhaqanka sharci ee Qaranka JSL. Iyada oo xogta qodobka 22 aad ee Dastuurka JSL oo u qoran tahay sidan:
I. Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka,
II. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay in la doorto, waxna doorto”.

▪Waxa la hirgaliyey waajibaad kale oo Dastuuri ah, waana hirgalinta nidaamka siyaasadeed, Dawladnimo iyo dalnimo ee tiir-dhaxaadka u ah hannaanka Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la fuliyey dhidbannaanta nabad-gelyada dalka, adkeynta hannaanka talo wadaagga, iyo sunnaha Xisbinimada. Iyada oo ku qotonta fulinta waajibaadka Qodobka 9aad ee Dastuurka JSL, faqraddiisa 1aad oo u dhigan sidan “Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhigbu ah nabad,talo wadaag, dimuqraadiyad, iyo hannaanka xisbiyada badan”.

Ugu danbeyntii, waxaan aaminsan nahay in hirgalka kaltan doorashadii shalay 31 May 2021 inoo qabsoontay ay bulsho ahaan, iyo qaran ahaanba aan ka dheefsan doonno magac, maamuus iyo qarannimo sarreysa oo kor u qaadaysa samaha, badhaadhaha, barwaaqada iyo milgaha wadaagga qarannimo ee dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Saaxiib, maxay kula tahay?

=DHAMMAAD=

Jamal A. Muse

DG of MoPWL&H Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories