HomeSomaliland: Shacabka oo loogu Baaqay inay Diiwaangeliyaan Hubka Fudud ee ay Guryaha...

Somaliland: Shacabka oo loogu Baaqay inay Diiwaangeliyaan Hubka Fudud ee ay Guryaha ku haystaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Bulshada Somaliland ayaa loogu baaqay inay sharci u samaystaan Hubka fudud ee ay guryahooda ku haystaan, si looga hortago hubka sharci-darrada ah ee ammaan-darrada sababi kara.

Taliska Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland waxa uu shacabka u soo jeediyey inay diiwaangelinta hubka fudud ee haystaan ka diiwaangeliyaan Xafiiska hubka fudud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaas oo shacabku ka heli karaan talooyin iyo tilmaamo la xidhiidha hanaanka ugu fudud ee ay hubkooda u xafidi karaan.

blankKu-xigeenka Hoggaanka Ciidanka Booliska Somaliland, Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu shacabka u diray farriimo ku saabsan sidii qofka iyo qoyskuba uga badbaadi lahaayeen khatarta hubka fudud guryaha yaalla.

“Muwaadin, ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo nidaamka caddaaladda ee ka jira Somaliland ayaa ku filan in uu badbaadiyo hantidaada iyo naftaada. Haddaba ciddii haysata hubka fudud waxaa muhiim ah in aad ogaato in hubka fudud ee guryaha yaallaa uu sababi karo dhimasho iyo dhaawacba, waliba waxaa ay ku iman karta dadka aad sida gaarka ah u jeceshahay, sida waalidka oo ah Aabaha, hooyadda, carruurtada, iyo xaaskaaga.

Waalid ahaan masuuliyadda ku saaran ayaa ah in aad ka hortagto khatar kasta oo ka dhalan karta hubka fudud ee gurigaaga yaala waa in aad ka ilaalisa khatarta hubka fudud, cidkasta, carruurta, iyo wixii kugula nool gurigaaga in ay kaga timaado dhibaato, aanad adigu ugu talo galin,” sidaas ayuu yidhi Gaashaanle Dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, hoggaan ku xigeenka ciidanka booliska Somaliland,

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu, ka sokow in la diiwaangeliyo hubka, faahfaahin ka bixiyey adeegyo dheeraad ah oo shacabku ka heli karo Xafiiska Diiwaangelinta hubka fudud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Muwaadin hubkaagu ha noqdo mid ammaan ah oo waliba ku sharciyaysan Qurigaaga. Baastooladaada ka diwaangeli xafiiska hubka fudud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, goobtaasi oo aad ka heli karto qaabka aad u ilaalineyso hubkaaga iyaga oo ku tilmaami kara meelaha ugu wanaagsan ee waliba hubkaaga aad ku xafidi karto”, Sidaas ayuu yidhi Gaashaanle Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil.

Somalilandpos.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories