HomeSomaliland: Shacabka Caasimadda oo Si Aan Kala Hadh Lahayn U soo Dhaweeyey...

Somaliland: Shacabka Caasimadda oo Si Aan Kala Hadh Lahayn U soo Dhaweeyey Madaxweynaha JSL Iyo Wefti uu Hoggaaminayo (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn oo xamaasad iyo waddaniyadi ku dheehan tahay usoo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa.

blank

 

Qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey dhammaanba jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, una taageersan yihiin guulaha uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kasoo hooyey safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Gini iyo dalal kale oo qaaradda Afrika ah.

 

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo axsaabta qaranka oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa iyaguna soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa si ballaadhan uga qaybgalay, waxana uu madaxweynuhu shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ka ag dhaw madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

 

blank

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo ugu horrayn shacabka la hadlay, ayaa sheegay inuu safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa guud ahaanba Somaliland usoo hooyeen guul dhinacyo badan leh, islamarkaana quluubta shacabka reer Somaliland midaysay oo isu soo dhaweysay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa uga mahadnaqay sida waddaniyadda leh ee ay usoo dhaweeyeen midhaha iyo guusha uu safarkaasi keenay, waxana uu ugu baaqay inay mar walba u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen gardarrada iyo qedafyada kaga imanaya maamulka Muqdisho.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories