HomeSomaliland: Saraakiishii ugu Tirada Badneyd ee Dalka Gudihiisa Ku Qaata Aqoonta Milatariga...

Somaliland: Saraakiishii ugu Tirada Badneyd ee Dalka Gudihiisa Ku Qaata Aqoonta Milatariga oo dhammaystay tabobar muddo Bilo ah u socday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciidanka (2)Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta tabo-bar loogu soo xidhay Kuliyadda Cabdhilaahi Askar ee Dereweyne 117 Sarkaal oo kala tirsan Ciidamada Kala-geddisan ee Somaliland, kuwaas oo noqonaya saraakiishii ugu badnayd ee dalka gudihiisa tabobar layli-sarkaal ah loogu  soo gebo-gabeeyo.

Ciidanka (1)Tababarkan oo loogu talo galay Saraakiisha aan kuliyad hore ka soo bixin, ayaa sidoo kale noqonaysa dufcaddii ugu horreysay Saraakiisha ciidamada kala duwan, kuwaas oo lagu tixi doono derejooyin kala duwan.

Munaasibad lagu qabtay kulanka tabobare Ciidanka oo ku taala deegaanka Dererweyne ee duleedka Bari ee Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb-galay Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somalliland Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka, saraakiil iyo hogaano ka socday qaybaha kala duwan ee ciidamada tabarka dhamaystay.

Saraakiisha tababarkan dhamaystay ayaa isugu jiray Ciidamada Milatariga, Asluubta, Ilaalada Madaxtooyada, Ciidanka Laanta Socdaalka, waxaana ugu horreyn halkaas ka hadlay oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada tabobarka iyo muddadii uu socday Hogaanka tababarka ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Axmed Cali Maxamed, waxaanu sheegay in kor loogu qaadayo heerka aqoonta saraakiisha, in saraakiisha la baro qaabka u haboon ee hogaaminta iyo guud ahaan waajibaadkooda si ay awood ugu helaan fulinta hawlaha taliye-nimo.

Taliyaha guud ee ciidamada qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo munaasibadan hadal kajeediyay ayaa u mahad celiyay dhamaan saraakiisha tababarkan dhamaystay, waxaanu ku ammaanay Madaxwaynaha J.S.L Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) horseedka uu ka noqday hirgalinta darajooyinka ciidamada qaranka.

Taliyuhu waxa uu saraakiisha tabobarka dhammaysatay kula dardaarmay in aqoonta ay korodhsadeen ay ku dabbaqaan hawlahooda shaqo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta J.S.L Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo 10 ka mid ah saraakiisha tabobarka loo soo xidhay ay ka socdeen Ciidanka Asluubta, ayaa sheegay inay aqoonta cusub ee ku soo biirtay Ciidanka asluubta, waxaanu ballan-qaaday inay saaraakiil heer jaamacadeed ah ay soo galin doonan kuliyadan tababarka saraakiisha ciidanka qaranka. Taliyuhu waxa uu ku amaanay guud ahaan saraakiisha tababarka ka dhamaystay kuliyada Cabdilaahi Askar muddadii lixda bilood ahayd ee ay u dhabar adaygeen waxbarashada kuliyada ka socotay. Waxaa iyaguna munaasibadan hadalo guubaabo iyo dhiiri galin isuu jira ka jeediyay Taliye xigeenka ciidanka Laanta socdaalka Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan (Sablaale) Iyo Kabtan Axmed Jaamac Goray (Alyoos) Oo isagu Ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen dedaalka ka socda kuliyada tababarka saraakiisha ciidamada ee Cabdilaahi Askar, iyagoo ugu baaqay in ay lagamaarmaantahay in ciidanka booliskuna ka faa’iidaystaan waxbarashada muhiimka ah ee ka socota kuliyadan lagu taba baro saraakiisha oo markii horee wadamada jaarka ah loogu diri jiray.

Ciidanka (3)Gabagabadii, kooxda fananiinta ciidanka qaranka ee Gaashaan, ayaa soo bandhigay suugaan iyo masrixiyad muujinaysa haybadda ciidanka qaranka Somaliland, waxaana ay saraakiishii munaasibada ka soo qayb gashay ay jeclaysteen masrixiyadaas oo suugaantii lagu soo bandhigay uu allifay hogaanka wacyigalinta ciidanka qaranka Gaashaanle Sare Cali Bare. Waxaana ugu dambayntii halkaas shahaadooyin iyo abaal marino kala duwan lagu gudoon siiyay saraakiisha tababarka dhamaysatay halka shahaado sharafyo lagu maamuusay Taliyayaasha ciidamada kala Duwan ee taageeray barnaamijkan kuliyada tababarka Ciidanka Qaranka oo loogu magac-daray Mujaahidii weynaa Eebbe ha u naxariistee Cadilaahi Askar oo ka mid ahaa Tirarkii Guusha u horseeday Halgankii Dib-u-xoreynta dalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories